By Sayyid Omar
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, oo ay weheliyaan wafdi ka kooban wasiirro iyo xildhibaanno, ayaa shalay tegay magaalada Ceerigaabo, xarunta gobolka Sanaag oo waayihii u danbeysay dagaallo martigelineysay.
Waftiga ayaa lagu soo dhaweeyay deegaanada u dhexeeya Berbera iyo Ceerigaabo, iyadoo shacabka iyo cuqaasha deegaanka ay muujiyeen taageeradooda. Guddoomiyaha gobolka Sanaag iyo maayir ku xigeenka Ceerigaabo ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa masuuliyiinta soo dhaweysay wafdiga.
Madaxweyne ku-xigeenka oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in socdaalkoodu la xiriiro qaramaynta cid kasta oo hub sidata si loo hubiyo in amniga gobolka uu gacanta ugu jiro ciidamada Somaliland oo keliya. “Waxaanu u nimid Ceerigaabo in aanu qarameyno cid kasta oo qori sidata, Ciidamada Qaranka oo keliya ayaa amniga masuul ka ah,” ayuu yiri madxaweye ku xigeenka Somaliland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda nabadda Ceerigaabo iyo qorshaha lagu qaramaynayo ciidamada madaniga ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumadda Cirro ay dadaal xooggan gelinayso sidii loo xallin lahaa colaadaha ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag, iyada oo dhawaan la magacaabay guddi nabadeed oo arrintan ka shaqeyn doona.
Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa isaguna caddeeyay in xukuumadda cusub ay ka go’an tahay inay dhageysato bulshada, isla markaana la shaqeyso si loo horumariyo gobolka. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in amniga iyo wada-shaqeynta bulshada ay yihiin mudnaanta koowaad ee xukuumadda.
Xukuumadda cusub ee Somaliland ayaa horay u sheegtay inay qaadday tallaabooyin lagu xasillinayo magaalada Ceerigaabo, iyadoo kulankan uu qeyb ka yahay dadaalladaas lagu dhisayo kalsoonida shacabka iyo xoojinta amniga gobolka.