Friday, September 20, 2024

Muxuu yahay hadalka ka careysiiyay ONLF ee taliyaha ciidamada Itoobiya?

Addis Ababa (Dawan)- Jabhadda Xoraynta Ogaadeeniya (ONLF) oo bayaan ay soo saartay ayaa si adag u cambaaraysay hadal la sheegay inuu yiri taliyaha ciidamada Itoobiya, Berhanu Jula.

Cambaareynta ONLF ayaa daba socotay muuqaal la baahiyay 08 September, 2024, kaas oo taliyuhu ku tilmaamay in ONLF ay tahay jabahad cadaw ku ah dowladda Itoobiya, oo ay abuurtay Masar

Jabhaddu waxay hadalkan lagu eedeeyay ku tilmaamtay mid aan sal iyo raad toona lahayn iyo weerar qaawan oo ka dhan ah magaceeda iyo sharciyadda jabhadda oo hadda ah xisbi siyaasadeed oo la aqoonsan yahay

Sidoo kale waxay xusaty in hadalka taliyuhu uu ka hor imaanayo heshiiskii lagu galay magaalada Asmara ee Eretria 2018 ee ay ku jirtay in la joojiyo hadallada xanafta leh ee abuuri kara colaad.

ONLF waxay ugu baaqday xukuumadda Itoobiya inay si degdeg ah u caddayso xaqiiqada muuqaalkan, haddii ay caddaato saxnaanshihiisana laga bixiyo jawaaab cad oo degdeg ah, iyada oo la ilaalinayo dhaqangalka heshiiskii dhexmaray labada dhinac.

ONLF waxay hoosta ka xariiqday inay ka go’an tahay ka shaqaynta geeddi-socodka nabadda, iyo raadinta xuquuqda ay dadka Soomaaliyeed u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan iyada oo la tixraaacayo shuruucda caalamiga ah iyo dastuurka Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee, ONLF waxay ku celisay inaan la aqbali doonin in xukuumaddu ka aamusto hadallada nuucaan oo kale ee abuuri kara in Jabhaddu dib u qiimeeyso xiriirkeeda dowladda

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here