Saturday, September 7, 2024

Muxuu yahay hadalka xanafta leh ee loo haysto Faarax Macallin ?

Nairobi (Dawan)- Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee dalka Kenya (NCIC) ayaa u yeeray mudanaha laga soo doortay deegaan Baarlamaneedka Dhadhaab ee ismaamulka Garissa, Faarax Macallin.

Siyaasigan ayaa su’aallo laga waydiin doonaa hadal uu jeediyay oo lagu tilmaamay mid xanaf leh oo dhallinyarada Kenyaanka ah ka caroodeen.

Sidoo kale siyasigan ayaa Guddiga qaran ee fulinta ee xisbiga Wiper wuxu go’aan ku gaaray in xubinnimadii uu xisbiga ka hayay laga xayuubiyo. Waxaa sidoo kale laga xayuubiyay dhammaan jagooyinkii uu xisbiga ka hayay.

Faarax Macallin ayaa ahaa hoggaamiye ku xigeenka xisbiga Wiper.

Go’aanka xisbiga Wiper ayaa yimid xilli ay qaar ka mid ah dadweynaha Kenyanka ah ay dalbanayan in lasoo xiro Maxkamadna la soo taago Xildhibaanka laga soo doortay Dhadhaab ee Faarax Macallin oo lagu edeeyay hadalo ka dhan ah dhalinyarada dibadbaxaysay.

In kasto oo aan si rasmi ah loo cadayn karin sax ahaanshaha muqaal lagu baahiyay baraha bulshada, xilidbaan Faarax Macallin oo Af-Soomaali ku hadlayay laguna tarjumay luuqada English-ka ayaa u dhignaa ” haddii aan ahaan lahaa madaxweynaha Kenya, si maalinla ah ayaan u dili 5000 oo dhallinyara ah (dhallinyarada mudaharaadeysay)”.

Muuqaalka ayaa sidoo kale tilmamaye in dhalinyarada mudaaharaadeysay ay dhaleen dad maalqabeeno iyo ganacsato ah oo lagu soo koriyay hanti xaraan ah.

Balse Xildhibaan Faarax Macallin oo wareysi siinayay Tv-ga KTN ayaa beenayay sax ahaanshaha muqaalka isagoo tilmaamay inuu yahay muuqaal la isku keen keenay oo ay diyaariyeen dad cadowgiisa ah.

Hadalka ayaa dad badani u arkaan mid xanaf leh oo oo kala qeyb sanaan ka abuuri kara Kenyaanka iyo bulshada Soomalida ee ku nool dalkan Kenya

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here