Saturday, November 23, 2024

Muxuu yahay hannaanka loo marayo hirgelinta xabbad joojinta Gaza?

New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay qaraar xabbad joojin ah oo ay soo bandhigtay dowladda Mareykanka 31-kii May, sidoo kalena la sheegay in Israel ay aqbashay.

Qaraarka waxaa u codeeyay 14 dowladood, waxaana ka aamusay kaliya dowladda Ruushka oo sheegtay in qodobada qaraarku aysan caddeyn sidoo kalen aysan jirin damaanad qaad muujinaya sida loo hirgelinayo.

Qaraarka oo tirsigiisu yahay 2735 ayaa tilmaamaya in fulinta soo jeedinta xabbad joojinta loo mari doono saddex qaybood.

Qaybta Koowaad: Xabad joojin deg deg ah oo dhameystiran iyada oo la sii daynayo haweenka, waayeelada, dadka dhaawaca ah iyo qaar ka mid ah maydadka Israel ee ku jira gacanta kooxaha iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

Qaybtan waxay sidoo kale amraysaa sii daynta qaar ka mid ah dadka Falastiiniyiinta ee ku jira maxaabiista Israel, in ciidmada Israel ka baxaan deegaanada ay dadku ku badanyihiin ee Gaza iyo in dadkii qaxay ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.

Sidoo kale, qodobada qaybtaan waxaa ka mid ah in la ballaariyo kaalmada iyo gargaarka bini aadantinimo si loo caawiyo dhammaan dadka rayidka ah ee dhibaatadu kasoo gaartay dagaalkan daba dheeraaday.

Qaybta Labaad: Iyada oo loo marayo heshiis labada dhinac, waa in colaadda si joogta ah loo joojiya, sidoo kalena lasii daaaya dhaamaan dadka ku jira gacanta kooxaha iska caabinta ee Falastiniyiinya, iyada oo ay ciidamada Israel-na ka baxayaan gabi ahaan marinka Gaza.

Qaybta Saddexaad: Qodobka ugu dambeeya ee lagu hirgelinayo qaraarka xabbad joojinta, waxa uu tilmaamaya in la billaabo qorsha ballaaran oo dib loogu dhisayo marinka Gaza iyo in dib looso celiyo haddii ay jiraan dad dhintay kuwaas oo ku haray marinka Gaza.

Kooxda Xamaas ayaa soo dhawaysay qaraarka Golaha Ammaanka ee ku baaqaya xabbad joojin joogta ah, iswaydaarsiga maxaabiista, dib usoo nooqshada dadkii ka qaxay marinka Gaza, dib u dhiska Gaza iyo in dhammaan ciidamada Israel ay ka baxaan Gaza.

Xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta marinka Gaza ayaa sii xumaaneysa iyada oo ciidamada Israel ay sii wadaan howlgalkooda milatari oo ay ku dhinteen in ka badan 37,100 qof ayna ku dhaawacmeen ku dhawaad ​​84,700 oo kale tan iyo bishii October ee la soo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here