Saturday, November 23, 2024

Muxuu yahay qorshaha cusub ee dib u habeynta dhaqaalaha Itoobiya?

Addis Ababa (Dawan)- Dhamaadkii bishii July ee lasoo dhaafay, waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ku dhawaaqay in xukuuaddiisu la timid qorsha cusub oo dib u habeyn loogu sameynayo dhaqaaalaha dalka.

Dad badan waxay aaminsanyihiin in qorshuhu uu ka yimid Hay’adaha caalamiga ah ee bixiya daymaha iyo taageerada la siiyo dowladaha la daalla dhacaya dhaqaala xumada iyo kuwa soo koraya.

Tillaabadan ayaa looga dan leeyahay in la furo dhaqaalaha xiran ee dalka, si ay u suurtagasho in ay Itoobiya ka faa’ideysto suuqyada caalamiga sida suuqyada xorta ah ee gannacsiga Qaaradda Afrika.

Wuxuu tilmaamay Abiy in fasaxidda ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Itoobiya inay ahayd go’aamadii ay dowladdu qaadatay ee ku aaddan dib u habeynta dhaqaalaha, si ay ganacsatadu uga qayb qaadaataan horumarka dalka.

Qorshaha Xukumadda Itoobiya ee dib u habeynta dhaqaalaha

Xukuumadda Itoobiya ayaa qorsheyneysa afarta sano ee soo socda inay ka guul keento dib u habeyn ballaaran oo lagu sameeyo dhaqaalaha dalka, waxaana ka mid ah hiigsigeeda qodoboda soo socda;

  • in Celcelis ahaan uu kobco dhaqaalaha Itoobiya 8%
  • In sicir bararka la gaarsiiyo 10%
  • In waxsoosaarka gudaha la gaarsiiyo 11%
  • In hoos loo dhigo 35% amaahda guud ee lagu leeyahay Itoobiya.
  • In Maalgashiga tooska ah ee Itoobiya uu kor u kaco lana gaarsiiyo 8 bilyan oo dollar

    Fulinta shuruudaha IMF

    Bangiga Dhexe ee Itoobiya ayaa sidoo kale dhawaan ku dhawaaqay in la joojiyay xayiraadihii saarna suuqa sarrifka lacagaha qalaad, taasoo ah tillaabo lagu fulinayo shuruudaha IMF ee helidda amaah maalgelin ah.

    Bangiyada iyo ganacsatada waxaa hadda kadib loo ogol yahay inay sameeyaan sarrifka lacagaha qalaad, iyaga oo si xor ah ula gorgortama macaamiisha” ayaa lagu yiri; qoraal kasoo baxay Bangiga Dhexe ee Itoobiya

    Tillaabadan ay qaaday Itoobiya, waxay ku heshay in Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ay siiyo lacag dayn ah oo dhan 3.4 bilyan oo doolar, taas oo qayb ka ah dayn dheeraad oo ay Itoobiya horay u dalbatay si ay dib u habeyn ugu samayso dhaqaala xumada iyo dhibaatada maaliyadeed ee haysata.

    Daynta ayaa Itoobiya loo siin doona qayb qayb, iyada oo marka ugu horeysa gacanta loo gelin doono lacag dhan 1 bilyan oo dollar.

    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka, Kristalina Georgieva ayaa tiri; “Ogolaanshaha dayntan waxay marqaati u tahay sida ay Itoobiya uga go’an tahay dib-u-habaynta xoogan ee dhanka maaliyadda iyo ganacsiga. IMF waxay ku faraxsantahay inay taageerto dadaalladan iyada oo ujeedadu tahay in Itoobiya la gaarsiiyo horumar dhaqaale xasiloon oo ay u wada dhanyihiin dhammaan dadka Itoobiya”.

    Daynta cusub xal ma u noqon doonta dhibaatada dhaqaalaha Itoobiya ?

    Dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika ayaa rajo wayn ka qaba inuu dayn gaareysa 10.5 bilyan oo doollar ka helo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, laakiin waxaa jira caqabado badan oo dhanka wada-xaajoodyadka ah.

    Itoobiya ayaa ku guul darraysatay inay iska bixiso daymihii lagu lahaa oo lagu ballansanaa bishii December, kadib lacag la’aan iyo sicir barar ay sababeen dagaalladii iyo abaarihii ka jiray dalkaas sanadihii lasoo dhaafay.

    Xeel-dheerayaasha dhaqaalaha ayaa ku doodaya in Itoobiya lagu qasbay inay fasaxdo sarrifka lacaga qalaad si ay caalamka uga hesho maalgelin dayn ah, waxeyna intaas ku darayaan inay jiri karaan shuruudo kale oo u ogolaanaya IMF inay fara gelin ku samayso dhaqaalaha dalka Itoobiya.

    Dalka Itoobiya waxaa ka dhacay labadi sano ee lasoo dhaafay dagaal lagu hoobtay oo ku sallaysanaa loollanka awoodda qowmiyadaha dalkaas wada dega, waxaana usii dheeraa saamaynta uu cudurkii Cobid19 ku reebay dhaqaalaha dalkaas. Daynta dibadda ee lagu leeyahay Itoobiya waxay kor u dhaafeysa hadda 28 bilyan oo dollar.

    Markii uu xukunka la wareegay 2018, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed waxa uu ballan qaaday in uu isbedel ku samayn doono dhaqaalaha Itoobiya oo ahaa mid u xirnaa dowladdda balse gaabis ayaa ku yimid inuu ka mira dhaliyo ballanqaadkiisi.

    In ka badan 21 milyan oo qof, oo ka dhigan qiyaastii 18% dadweynaha Itoobiya, ayaa ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ee ka yimaada beesha caalamka, waxeyna dadkaas wajahayan dhibaatooyin isagu jira colaad iyo masiibooyinka cimilada sida fatahaadaha ama abaaraha, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here