Thursday, September 19, 2024

Nicaragua oo noqotay dowladdii 2-aad ee safiir u magacaawda Afghanistan

Kabul (Dawan)- Dowladda Nicaragua ayaa nooqtay dowladdii labaad ee safiir u magacaawda Afghanistan, tan iyo markii ay xukunka dalkaas la wareegtay Daalibaan.

Safiirka Nicaragua u fadhiya Shiinaha, Michael Campbell ayaa loo magacaabay inuu sidoo kale ka howl galo magaalada Kabul, isaga oo noqon doona safiirka rasmiga ah ee u qaabilsan Afghanistan.

Rosario María Murillo, oo ah madaxweyne ku xigeenka Nicaragua, ayaa tiri; “Waxaan u mahadcelinaynaa Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan” inkasta oo aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin in dalkeedu aqoonsaday xukunka Daalibaan.

Jamhuuriyadda Nicaragua, waa dalka ugu weyn Bartamaha Ameerika, in kasta oo ay ka dad ka yartahay dowladaha deriska la ah, waxeyna xornimadeeda ka qaadatay Spain sannadkii 1821.

Tan iyo markii ay Daalibaan xukunka ku soo noqotay 2021, ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday xukunkooda, inkasta oo ay jiraan dhowr dowldood oo la leh xiriir dadban.

Bishii September ee la soo dhaafay, Shiinaha ayaa safiir u magacaabay Afghanistan, waxaana warqadaha aqoonsiga looga guddoomay xaflad lagu qabtay caasimadda Afghanistan ee Kabul, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa hoosta ka xariiqday in uu sii socon doono xiriirka saaxibtnimo ee kala dhexeeya Afghanistan, iyada oo labada dhinac ay iska kaashan doonaan xiriirka diblumaasiyadeed, isdhaafsiga iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Pakistan, Midowgya Yurub iyo Hay’ado kale oo caalami ah ayaa xafiis ku leh Afghanistan, waxaana ka howl gala diblomaasyiin iyo mas’uuliyiin ku magacaabin ” xil sii haaye” kuwaas oo aan u baahnayn in ay warqado aqoonsi u gudbiyaan Daalibaan.

Kooxda Daalibaan oo muddo dheer dagaal kula jirtay Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa dib ula wareegtay maamulka dalkaas kadib markii uu Mareykanku ka baxay 15- August 2021, waxaana meesha ka baxay dowladdii la aqoonsanaa ee uu hogaaminayay madaxweyne Ashraf Ghani.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here