Monday, September 16, 2024

Niger oo ka noqotay heshiis iskaashi milatari oo kala dhaxeeyay Mareykanka

Dakar (Dawan)- Dowladda Niger ayaa ku dhawaaqday Sabtidii in ay baabi’isay , heshiiskii iskaashiga dhanka milatariga ee kala dhaxeeyay dowladda Mareykanka, arrimo degdeg ah oo jira awgeed.

Af-hayeenka dowladda Niger Amadou Cabdiraxmaan ayaa go’aankaan ka sheegay taleefishinka dalkaas, iyada oo meesha laga saaray heshiiska u ogolaanaya ciidamada militariga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) in ay joogaan gudaha Niger.

Af-hayeenka ayaa ku eedeeyay saraakiisha Mareykanka in aysan bixin xog horudhac ah oo ku saabsan booqashadii Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Fee iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), General Michael Langley, oo todobaadkii hore wadahadal ku yeeshay Niger.

Cabdiraxmaan ayaa intaas ku daray in heshiiska labada dal ay kala saxiixdeen 2012, uu yahay mid lagu qasbay Niger oo ku xad-gudbaya shuruucda dalka u taal iyo madax-banaanida Niger.

Ku dhawaad kun askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan saldhig ku yaal waqooyiga dalka Niger, waxa ayna ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan, inkastoo dhaq dhaqaaqooda uu ahaa mid kooban tan iyo markii ciidamadu ay la wareegeen talada dalkaas bishii July 2023-kii.

Golaha militariga Niger ayaa horay ugu dhawaaqay in la baabi’iyeen dhammaan heshiisyadii militari ee ay wada galeen Niger iyo France, iyagoo dalbaday in ciidamadada Faransiisku si degdeg ah uga baxaan dalka.

Faransiiska ayaa ugu dambeyn ciidamadiisa kala baxay dalka Niger 22-kii bishii December , 2023.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here