Sunday, September 8, 2024

NISA oo soo xirtay nin lagu eedeeyay faafinta fikirka xagjirnimada

Nairobi (Dawan)- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, oo ay ku eedeysay in uu faafiyo fikirka xagjirnimada ah iyo taageeridda kooxda Al-shabaab.

NISA ayaa intaas raacisay in Sufyaan laga soo qabtay dalka Kenya kadibna loo soo qaaday Soomaaliya si loogu sameeyo baaritaan.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu yiri ” Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay magaalada Muqdisho waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”.

NISA ayaa ballan qaaday in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsan doonto cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh kooxaha argagixisada, kuna garab siisa dhibaatada iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraalka.

Sufyaan Sheekh Axmed oo loo yaqaano ” Taakeeye” ayaa caan ka ah baraha bulshada, waxa uuna wareysiyo siiyaa inta badan warbaahinta gaarka loo leeyhay, isaga oo ka hadla waxyaabo dhaliyay doodo badan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa bartiisa X kusoo qoray “Tillaabada ay Kenya ugu soo wareejisay Soomaaliya Sufyaan Sh Axmed, waxay muujineysaa muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga gobolka. Dadaalka wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa hiigsanaya in Geeska Afrika lagu soo dabbaalo xasilooni”

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa isbuuci hore sidoo kale sheegtay in ay soo xirtay Sakariye Kamaal Suufi, oo loo haysto inuu hubka uga keeni jiray dibadda Kooxda Al-shabaab.

Dagaalka u dhexeeya Dowladad Soomaaliya iyo kooxda Al-shabaab ayaa sii xoogeystay tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii tegay.

Ciidamada Dowoadda oo kaashanaaya dadka deegaanka iyo beesha caalamka ayaa dhowr magaalo oo ka tirsan maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle kala wareegay kooxda Al-shabaab bilihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale, kooxda Al-shabaab ayaa kordhisay qaraxyada iyo weerarada ay kusoo qaadaan xarumaha ciidamada dowladda oo ay ugu dambeeyeen weeraradii Cowsweyne iyo Ruunir-good iyo sidoo kale qaraxyadii Beledweyne iyo Dhuusamareeb.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here