Monday, September 16, 2024

Nuucyada noolaha ee aadanuhu cuno iyo sida ay u kala horeeyaan

Muqdisho (Dawan)- Dunida waxaa ku nool dad kala dhaqan iyo diin ah. Dadkaas noloshooda waxaa saameyn ku leh dhaqankooda gaarka ah ama wax ay aaminsanyihiin taas oo keenta inay waxna iska dhaafaan wax kalena sameeyaan.

Markaan soo qaadano bulshadeena Muslimka waxaa loo baneeyay inay cunaan hilibka qaar ka mid ah xayawaanaadka halka laga reebay inay u dhawadaan kuwa kale, balse ma ogtahay inay jiraan dad cuna wixii kasoo hor baxa?

Kuwa ku socda lugaha , kuwa ku duula baalasha , kuwa dabaasha ama kuwa kale ee u nool si Ilaah ugu tala galay , intaba way ka fakan waayeen caloosha aadanaha.

Cilmi-baaris la sameeyay waxaa lagu ogaaday in aadanuhu cuno sanadkii 150 bilyan oo ah nuucyada kala duwan ee noolaha, taas oo u dhiganta 350 malyan oo tan oo hilib ah.

Aan tusaale kasoo qaadano noolaha ay dadku cunaan iyo nuucyadiisa sannadkii;

83 kun oo Yaxaas sannadkii, 3 milyan oo Geel ah sannadkii, 3.5 milyan oo Dameer sanadkii
5 milyan oo Faras sanadkii, 25 milyan oo Eey ah sanadkii, 300 milyan oo Lo’ ah, 480 milyan oo Ari ah, 880 milyan oo Carsaanyo ah sanadkii, 1.1 bilyan oo ido ah, Hal bilyan iyo 300 oo isagu jira Bakayle iyo jiir, 1.5 bilyan oo Doofaar sannadkii, In ka badan laba bilyan oo Octopus, 5 bilyan oo ah nuucyada shinbiraha, 40 bilyan oo kalluun kala duwan ah.

Inta aan soo sheegnay waxaa koobka ka qaaday Digaaga oo sanadkii laga cuno wax lagu qiyaasay 75 bilyan , taas oo ka dhigan in 140,000 oo digaag ah in la isticmaalo daqiiqaddii.

Markaan Lo’da usoo laabano, waxaa maalin kasta laga gowraca dunida qiyaas ahaan 900,000. Haddii meel la isagu geeyo oo saf la geliyo waxay u baahan doonaan dhul dhirirkiisu dhan yahay ilaa laba kun oo kilometer.

Intaas waxaa sii dheer, xayawaanada qaar oo aan laga haynin qiyaas sida Bisadaha, Dabagaalaha iyo qaar kale oo badan.

Magaalada Muqdisho marakad dhex socota habeenki, waxaa suurta gal ah in Geel tira badan kaa hor yimaado ama kaa xiro waddada. Geelaas waxaa loo wadaa kawaanka si loo qalo looguna soo fasaxo hilibkiisa suuqayada kala duwan ee magaalada.

Magaalooyinka kale ee dalku waa la mid laakin weli ma si waydiisay imisa neef oo Geel ah ayaa lagu qalaa Soomaaliya maalintii ama sanadkii?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here