Dhuusamareeb (Dawan)- Timaha oo uusan xiiran qiyaastii saddexdii todobaad ee uu Dhuusamareeb joogay. Daal iyo hurdo la’aan indhahiisa laga dheehan karo, waa waxa qacda hore kugu soo dhacayo inta uusan hadalka billaabin, waloow dhoolacaddeyntiisu aysan is bedelin, haddana waa mid qof walba garan karo culeyska uu wajahayo 67 jirkan hoggaaminaaya mid kamid ah dagaalladii ugu dabada dheeraa qaaradda Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gebogabada shirkii wadatashiga ka jeediyay khudbad 19 daqiiqo socotay oo uu dhinacyo badan uga hadlay.
Madaxweynaha waxa uu Al-shabaab u muujiyay quwad xoog badan oo ay adagtahay in la loodiyo. Madaxweynuhu waxa uu adeegsaday oraahda shacbiga ah ee Soomaaliyeed “Dhulka iyo xaaqinka, dhulka ayaa soo haro”. Oraahdaan ayaa waxaa adeegsada dhinaca awood ahaan liitta loollanka noocuu doono ha noqdee, isaga oo sheeganaya lahaanshaha dhulka.
Qirashadaan uu madaxweynuhu sameeyay waxa ay Al-shabaab siineysaa niyad iyo dhiirrigelin xilli ay wajahayaan dagaalkii ugu adkaa.
Madaxweynaha waxa uu si dadban oo qaboow uga jawaabay dhaliil uu madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe u jeediyay reer Galmudug, isaga oo xusay in dhulka Soomaaliyeed uu ballaaran yahay, waqti badana u baahan yahay si gacanta dowladda loogu soo celiyo, dowladduna ay tabarteeda taagsaneyso.
Hadal-jeedintiisu waxa uu xoogga ku saaray in uu damaanad siiyo qabaa’ilka deegaannada dowladdu la wareegtay, waxa uuna diray farriin ah in “Dowladdu aysan dib u laaban doonin”. Waxa uu isku dayay inuu meesha ka saaro dhaqanka ciidamada dowaldda ee ah in ay dib uga baxaan deegaannada ay qabsadaan, Al-shabaabna ay yihiin kuwa dhulka u harayo. Waxa uu dib ugu celiyay oraahdii uu 10 sano ka hor Al-shababa ku tilmaamay.
Sannad uu dagaalkan socday, madaxweynuhu waxa uu xusay in la joogo xilligii abaalmarinta iyo isla xisaabtanka, waxa uu carrabka ka dhowray inay jiraan mas’uuliyiin khaladaad waaweyn galay oo ay tahay in lala xisaabtamo.
Kaalinta ganacsatada ee adeeg iyo kaalmo gaarsiinta deegaannada dowalddu la wareegtay ayuu ku tilmaamay mid gaabis ah. Waxa uu fursadda uga faa’iideystay in barnaamijka xasilinta ay qeyb ka yihiin bulshada.
Si ka duwan billowga khudbaddiisa, ayuu ku soo gabogabeeyay; Waxa uu dowladda u muujiyay awood weyn oo dalka gacanta ku heysa, isaga oo araahyo kala duwan ku cabbiray in cafis loo fidiyay xubnaha Al-shabaab, kuma koobna dhallinyarada ee waxa uu xusay xaaladda odayaasha oo u ku sheegay mid mudan in loo naxo.
Kala shakiga beelaha iyo kala maroorsiga awoodda siyaasadda ayuu aad uga hadlay.Waxa uu isku dayay inuu damaanad siiyo qabaa’ilka.
Erayo dhiirri gelin ah ayuu hadal-jeedintiisa ku soo gabo gabogabeeyay isagao ee erayo ka soo amaahday heesta “”Maalmihii wacnaa wey soo socdaan” ee arayada Abwaan jeylaani, iyo codkii Cabdirizaaq Anshax.