Monday, September 16, 2024

Nuxurka Khudbadda Xasan Sh ee Shirka Madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka

Nairobi (Dawan)- “Soomaaliya waxa ay u baahan tahay mashaariicda IDA 21 si ay usii joogteyso guulaha la xiriira dib u habeynta dhaqaalaha”, sidaas waxaa yiri, Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinaayay shirka madaxda Afrika iyo Bangiga Adduunka ee magaalada Nairobi.

Khudbad socotay ku dhawaad 9 daqiiqo ayuu Madaxweyne Xasan kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya qorshaha iyo waxyaabihii u qabsoomay, iyo arrimaha guud ee qaaradda Afrika.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka u leedahay Soomaaliya iyo dhamaan dalalka Afriika, si looga gudbo xaaladda jilicsanaanta ah ee ka jirta qaaradda Afrika loona helo mashaariic horumarsan oo wax u tara bulshada Afrika.

Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku dhuftay in isbeddel ku yimid hay’adaha dowladda iyo ilaha dhaqaalaha ee Soomaaliya tobankii sano ee ugu dambeysay, taasna ay ku timid iskaashiga caalamka iyo hay’adaha dowladda

Xasan waxa uu tusaale usoo qaatay kororka ku yimid daqliga gudaha kaas oo kasoo xarooda canshuurta laga qaado ganacsatada Soomaaliyed, taas oo keentay in miisaaniyadda guud ee Soomaaliya ay sameyso isbeddel.

Dhanka kale, waxa uu qiray in ay jiraan caqabado badan kuwaas oo isagu jira kuwa ka dhashay isbeddelka cimilada- oo aysan Afrika lug ku lahayn sababtooda-, cudurkii Covid19 iyo colaadaha oo dhamaantood hoos u dhigay dhaqaalaha Soomaaliya.

Sida uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay, Dadka Soomaaliyeed ee ka faa’iideystay mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunka ayaa gaaraya 20%, arrintaas oo muujineysa kaalinta uu Bangiga Adduunka ka ciyaaro horumarka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan ayaa soo jeediyay in la dhiso nidaamyo awood u leh in ay u adkeystaan masiibooyinka dabiiciga ah iyo in sare loo qaado mashaariicda dhanka horumarka ah ee Bangiga Adduunku ka fuliyo qaaradda Afrika.

Gabagabada khudbaddiisa, waxa uu Xasan bogaadiyay Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee IDA isaga oo ku tilmaamay in ay tahay garabka caawinta ee Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here