Monday, September 16, 2024

Nuxurka war-saxaafadeedka Soomaaliya iyo Sacuudiga

Maka Al-Mukaramah ( Dawan)- Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhaxal sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan.

Qodobada ugu muhiimsan ee war-saxaafadeedka ayaa ahaa:

Labada dhinac waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhinacyada soo socda:

 (1) Korontada iyo tamarta la cusboonaysiin karo.

 (2) ka faa’iideysiga isticmaalka cusub ee hydrocarbons iyo kiimikooyinka  shidaalka.  

(3) Beeraha iyo haqab-beelka cuntada, iyada oo la marayo  maalgashiga  gaarka ah.

 (4) Isgaarsiinta, tignoolajiyada iyo  hal-abuurka. (5) Garsoorka iyo Cadaaladda.

(6) Gaadiidka cirka, dekedaha iyo duulista rayidka. (7) Dhaqanka. (8) Ciyaaraha. (9) Horumarinta bulshada. (10) Waxbarashada. (11) Warbaahinta. (12) Sahanka dhulka iyo macdanta.

Marka la eego isbeddelka cimilada, labada dhinac waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo mabaadi’da Axdiga Guud ee Isbeddelka Cimilada iyo heshiiskii Paris, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay horumarinta iyo hirgelinta heshiisyada cimilada.

Dhanka difaaca iyo amniga, labada dhinac waxa ay isla soo qaadeen sidii  loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka ciidamada, si loo qaado tillaabo kasta oo ka qayb qaadanaysa ka hortagga dembiyada tahriibka,  argagixisada iyo maalgelintooda.

 Boqortooyada Sacuudigu waxa ay bogaadisay isbedelada ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo soo celinta amniga iyo xasilloonida gobollo badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Sidoo kale  dowladda Sacuudiga waxa ay  soo  dhaweysay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka, taas oo ah tillaabo waddada u xaareysa  dhismaha ciidanka Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda amniga ka dib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika.

Marka la eego heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxiixatay Somaliland, Boqortooyadu waxay caddaysay inay garab taagantahay midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madax-bannaanida dhulkeeda oo dhan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here