Friday, October 18, 2024

Odayaal dhaqameed ka hadlay haweeney kufsi iyo dil loogu geystay Wajeer

Wajeer (Dawan)- Waxaa saakay isbitaalka weyn ee Wajeer lageeyay haweeney meyd ah lana kufsaday oo laga soo qaaday mid ka mid ah xaafadaha Wajeer .
Haweeneydaan la kufsaday lana dilay ayaa lagu magacaabi jiray Sacdiya Cabdoow, waxeyna ahayd hooyo heysata shan carruur ah.
Booliska Wajeer ayaa soo qabtay nin lagu eedeyay inuu kufsiday kadibna dilay haweeneydaas, waxaana ku socda baaritaan la xiriira fal dembiyaadkaas xalay ka dhacay Wajeer.

Odayaal Dhaqmeedka magaalada Wajeer oo arrintaan ka hadlay ayaa ku tilmaamay arrin laga xumaado, waxeyna ka codsadeen laamaha Garsoorka in caddaaladdda la hor keeno ninkii falkaas geystay.
Odayaalka ayaa sheegay in aan loo marin xallinta arrintaan qaab dhaqameedka loo yaqaano xaal mastuur loona baahanyahay in la hor keeno dambiilaha caddaaladda, si qoyska loo geystay dhibka u helaan xaqooda.
Ugaas Luqmaan Ugaas Jimcaale oo ka mid ah oday dhaqameedka Wajeer ayaa yiri “Soomaali haddaa nahay, waxaan u barany in ninki wax halleeya laga bixiyo xooga wax mag dhaw ah. Waxaan bulshada iyo dowladda ka codsanaya in ninkii qof u dila ula kac aan maslaxo laga gelin”
Inta badan falalka nuucaan ah, waxaa lagu xalliyaa qaab dhaqameed iyada oo aan lala tashan qoyska dhibku ku dhacay ama dhibanayaalka laftooda.
Dadka u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in qaabka ay oday dhaqameedku ku xalliyaan falalka nuucaan ah ay ka qeyb qaadaneyso in ay sii socdaan dembiyada nuucaan ah oo aan loo helin xal waara.
Dhacdooyinka isagu jira kufsiga iyo dilka ayaa ah kuwa kusoo laalaabtay Wajeer iyo dhammaan deeganada ay Soomaalidu degto, waxaana jira baaqyo ka imaanaya qeybaha bulshada kuwaas oo lagu dalbanayo in qofkii dembi geysta la marsiiyo ciqaabtiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here