Tuesday, October 22, 2024

ONLF oo ka baxday ka qeybgalka wadahadalka Qaran ee Itoobiya

Jigjiga (Dawan)- Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF) ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay ka qeybgalka Wadahadalka Qaran ee Itoobiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay

ONLF ayaa sheegtay in inkastoo ballanqaadyo hore laga bixiyay in geeddi-socodka wadahadalka uu noqon doono mid hufan oo ay ka wada qeybqaadanayaan dhammaan dhinacyada siyaasadda, haddana tallaabooyinka ugu dambeeyay ee xisbiga talada haya ee gobolka Soomaalida ayaa hoos u dhigay kalsoonida wadahadalka, iyada si iskiis ah u soo xulay xubnaha ka qeybgalaya, taas oo ay ku tilmaameen mid baal marsan heshiisyadii iyo xeerarkii horey loo dejiyay.

ONLF waxay tillaabaas ku tilmaamtay hanaan kaligiis-talisnimo ah uu khilaafsan ujeeddada wadahadalka qaran, kaas oo ah in la isku keeno dhammaan dhinacyada si wax looga qabto arrimaah dhaliyay khilaafaadka. Sidoo kale, waxay Jabhaddu sheegtay inay ka maqanyihiin wadahadalka xubno muhiim ah oo ka socda gobollada Amxaarada, Oromada, iyo Tigray taas oo ka dhigan in wadahadalka uu halis ugu jiro inuu noqdo mid dhinac ka raran oo aan horseedi karin nabad waarta.

ONLF ayaa hoosta ka xarriiqday in ay weli ka go’an tahay wadahadal dhab ah oo hufan oo keenaya nabad waarta oo ka hirgasha Itoobiya, balse waxay ka qaybqaadasheeda ku xirtay in dib loo soo celiyo hannaankii geeddi-socod wadajirka ahaa kaas oo ah mid ay ku mideysan yihiin dhammaan dhinacyada daneynaya.

“ONLF ma sii wadi doonto ka qeybgalka wadahadalka hadda jira” ayaa lagu yiri; war-saxaafadeedaka

Arrintani waxay kusoo beegmaysaa isbuuc ka dib markii Guddoomiyaha Jabhadda ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi, uu ku baaqay shir degdeg ah oo Gole Dhexe ee Jabhaddu ay yeelan doonaan 26 iyo 27 bishaan October. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa, shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa qiimeynta heshiiskii nabadda ee ay ONLF iyo xukuumadda Itoobiya wada galeen sanadkii 2018-kii.

ONLF ayaa dhawaan ku eedeysay xukuumadda Itoobiya inay qaadday tallaabooyin baal marsan dastuurka dalka iyo heshiiskii nabadda ee 2018-kii, kuwaas oo ay ku tilmaantay kuwo waxyeello ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka. Jabhaddu waxay sidoo kale ka digtay in wax laga bedelo calanka iyo magaca dowlad deegaanka Soomaalida, iyagoo sheegay in arrintaas ay sii xumeyn karto xaaladda siyaasadeed ee gobolka.

Shalay waxaa magaalada Jigjiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ka furmay wajiga labaad ee kulanka ajanda uruurinta komiishanka wadatashaiga Itoobiya, iyada oo inkabadan 1000 degmo oo katirsan guud ahan Itoobiya ayaa laga Soo uruuriyay ajandayaasha muhiimka ah ee wadatashiga qaran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here