Monday, September 16, 2024

Orodyahanad Ugandays ah oo u dhimatay dab uu qabadsiiyay saaxibkeed

Nairobi (Dawan)- Orodyahanad u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Rebecca Cheptegei ayaa ku geeriyootay isbitaal ku yaalla dalka Kenya oo lagu daweynayay kaddib markii saaxibkeed qabadsiiyay dab.

Rebecca oo ahayd 33 jir, waxaa gubtay 80% jirkeeda, sida uu xaqiijiyay mas’uul ka tirsan isbitaalka

Owen Menach, oo ah afhayeenka Moi Teaching and Referral Hospital ee magaalada Eldoret, ayaa sheegay in orodyahanadaan geeriyootay subaxnimadii hore ee Khamiista, ka dib markii xubnaheeda ay gabeen shaqadoodi caadiga ahayd.

Rebecca waxa ay ka qayb gashay orodkii maaratoonka dumarka ee Olombikada Paris bil ka hor, waxeyna gashay kaalinta 44-aad.

Aabaheed, Joseph Cheptegei, ayaa u sheegay warbaahinta in uu waayay gabar uu aad u jeclaa , isaga oo rajo ka muujiyay inuu helo caddaalad.

“Sida hadda muuqata, ninka sababay dhimashada gabadheyda waa gacan-ku-dhiigle, welina ma arko waxa ay sameynayaan saraakiisha ammaanku,” ayuu yiri aabbaheed, isaga oo intaas raaciyay “Weli waa xor oo xitaa wuu carari karaa.”

Boliiska Kenya ayaa sheegay in Dickson Ndiema oo xiriir kala dhexeeyay Rebecca inuu basiin ku shubay kadibna dab qabadsiiyay Isniintii lasoo dhaafay kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay.

Waalidiinta Rebecca ayaa sheegay in gabadhooda ay iibsatay dhul ku yaal Trans Nzoia si ay ugu dhowaato xarumaha tababarka ciyaaraha fudud ee Kenya.

Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Uganda ayaa ka tacsiyeyay geerida Rebecca Cheptegei, wuxuuna barta X kusoo qoray; “Aad ayaan uga xunahay geerida Rebecca Cheptegei taasoo naxdin leh. Xiriir ahaan waan cambaaraynaynaa falalkan oo kale, waxaana ku baaqaynaa caddaalad”

Wasiirka Ciyaaraha Kenya Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in dowladdiisu ay xaqiijin doonto cadaaladda dhibbanaha.

“Masiibadani waa xasuusin adag oo ah inaan wax badan ka qabano la dagaalanka xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee bulshadeena, taas oo sanadihii ugu dambeeyay aad usoo noqnoqtay” ayuu yiri wasiirka Kenya ee ciyaaraha

Marwada koowaad ee Uganda Janet Museveni ayaa ku tilmaantay dhimashada Rebecca Cheptegei ee ka dhalatay rabshadaha qoyska “mid aad looga xumaado”.

Celcelis ahaan 11-kii daqiiqaba, haweeney ama gabar ayaa dhibaato kasoo gaarta ninka qaba ama qof ka mid ah qoyskeeda , sida laga soo xigtay warbixin uu soo saaray xafiiska sinnaanta jinsiga ee Qaramada Midoobay

Sannadkii 2023, Orodyahankii Olombikada Uganda Benjamin Kiplagat ayaa la helay isagoo meyd ah oo ay ka muuqdaan jirkiisa dhaawacyo loogu gaystay tooreey.

Sanadkii 2022, Orodyahanad Damaris Muthee oo u dhalatay dalka Kenya ayaa meydkeeda la helay iyadoo warbixin laga soo saaray baaritaan lagu sameeyay lagu sheegay in la ceejiyay.

Sannadkii 2021-kii, Orodyahanad lagu magacaabo Agnes Tirop ayaa lagu dilay tooreey iyadoo joogta gurigeeda. Ninkeeda, Ibrahim Rotich, ayaa la xiray waxaana lagu eedeeyay dilkeeda, kiiskaasna wuu socdaa ilaa iyo hadda

Afar ka mid ah 10kii dumar ah ama qiyaastii 41% haweenka Kenya ayaa xadgudub kala kulma lamaanahooda sida lagu ogaaday sahanka dadweynaha iyo caafimaadka Kenya ee sannadkii 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here