Monday, September 16, 2024

Paul Kagame oo markii 4-aad loo doortay madaxweynaha Rwanda

Kigali (Dawan)- Hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Rwandan Patriotic Front, Paul Kagame, ayaa ku guuleystay markii afraad xilka madaxtinimo ee dalkaas kadib doorashadii dhacday maalintii Isniinta.

Guddiga doorashada Rwanda ayaa sheegay maanta oo Talaada ah, in Kagame loo doortay mar kale muddo 5 sano ah madaxweynha Rwanda kadib markii uu helay 99.15% codadkii la dhiibtay.

Guddiga ayaa intaas ku daray in labadii musharrax ee kala ahaa Kagame, Frank Habiniza oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Green Party, iyo Philip Mbaimana, oo ah musharaxa madaxa banaan, ay heleen wax ka yar 1 % doorashadii dhacday shalay.

Natiijada rasmiga waxaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo 27-ka bishan July.

Tani waa markii afaraad ee Kagame loo doorto madaxweynha dalkaas tan iyo sannadkii 2000 balse waxa uu xukunka dalkaas soo hayay laga soo billaabo 1994 markii Jabhadda Waddaniga ah ee Rwanda ay talada ka tuurtay xukuumaddii Hutu ee ka dambeysay xasuuqii lagu dilay 800,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo jeeday qowmiyadda Tutsi-ga.

Xisbiga Paul Kagame, ayaa la filayaa in ay si aqlabiyad ah uga guulaysato doorashada kuraasta baarlamaanka ee barbar socday doorashadii madaxtinimada.

Kagame ayaa helay sumcad ballaaran kadib markii uu ku guuleystay dib u soo nooleynta Rwanda kadib xasuuqii 1994-kii, balse waxaa jira dhalleecooyin loo jeediyay oo la xiriira caburinta mucaaradka iyo faragelinta colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here