Thursday, September 19, 2024

PSG oo ku guuleysatay horyaalka Faransiiska markii 12-aad

Paris (Dawan)- Kooxda Paris Saint-Germain ayaa xaqiijisay ku guuleysiga horyaalka Faransiiska ee Ligue 1 markii 12-aad kadib markii kooxda Olympique Lyonnais ay 3-2 uga badisay Monaco.

Paris ayaa bareejo 3-3 ah la gashay sabatidii lasoo dhaafay kooxda Le Havre, taas oo dib u dhigtay in ay u dabaal degto hanashada horyaalka Ligue 1 balse waxaa iyaduna guul darro la kulantay kooxda Monaco oo ku jirtay kaalinta labaad.

Kooxda Monaco ayaa 12 dhibcood ka hooseysa Paris Saint-Germain oo 70 dhibcood kula guuleysatay koobka, iyada oo ay 3 kulan ka harsantahay dhamaadka horyaalka

Kooxda PSG ayaa dadaal xoogan ugu jirta wadadii ay ku hanan lahayd dhamaan koobabka ay u tartameyso xilli ciyaareedkan oo ay qaarkood qaaday kuwa kalena ay joogto Final iyo semifinal.

Kooxda Paris ayaa haatan ku guuleysatay 10 ka mid ah 13-kii horyaal ee ugu dambeeyay tan iyo markii ay dowladda Qatar la wareegtay lahaanshaha naadiga sannadkii 2011.

Inkasta oo ay soo baxayeen warar sheegaya in uu ku biirayo kooxda Real Madrid xagaaga soo socda hadana Kylian Mbappé ayaa kaalin wayn ka qaatay in PSG ku guuleysato mar kale horyaalka isaga oo dhaliyay 26 gool.

Tan iyo markii uu Kylian Mbappé kusoo biiray kooxda sannadkii 2017, waxa uu kula guuleystay horyaalka Faransiiska lix ka mid ah todobadii xilli ciyaareed ee uu la joogay.

Kaliya sannadkii 2020-21 ayaa laga qaaday horyaalka Ligue 1, xilligaas oo ay qaaday kooxda Lille

Hanashada Horyaalka ayaa ka dhigan koobkii labaad ee ay PSG qaado xilli ciyaareedkan kadib koobkii Super Cup-ka ee January, waxeyna wali u tartamaysaa Champions League oo ay wajihi doonto Borussia Dortmund semi-finalka iyo Koobka Faransiiska oo ay finaal la ciyaari doonto kooxda Lyon.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here