Thursday, May 8, 2025

Puntland Oo Diiday Wararka Saldhigyada Milatari Ee UAE ee Boosaaso

Boosaaso, Soomaaliya – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ceydiid Dirir, ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in Dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) ay saldhigyo milatari ama xarumo gantaallo lagu rido ka sameysatay magaalada Boosaaso ee bariga Soomaaliya.

Wasiir Dirir ayaa hadalkan ka sheegay warbaahinta Puntland 7-da May, isagoo tilmaamay in eedeymahaasi yihiin “kuwa aan sal iyo raad toona lahayn,” isla markaana qeyb ka ah ololaha warbaahineed ee uu hoggaaminayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ay sidoo kale ku lug leeyihiin warbaahinta shisheeye.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in ololahan uu yahay mid lagu doonayo in lagu carqaladeeyo dadaallada amni ee Puntland iyo la-dagaallanka argagixisada.

“Puntland marnaba ma bilaabi doonto dagaal dhinaca dibedda ah. Amniga gudaha iyo la dagaallanka argagixisada ayaa ah mudnaanteena koowaad. Waxaanan si adag uga soo horjeednaa wax kasta oo dhib u geysan kara shacabka walaalaha nahay sida dadka Suudaan. Macquulna maaha inaan dhaawacno sumcadda Puntland,” ayuu yiri Wasiir Ceydiid Dirir.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland ay sii wadi doonto hawlaheeda amni ee gobolka, isagoo sheegay inay ka hortageyso wax kasta oo halis ku ah xasiloonida degaanka.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo warar isa soo taraya ay sheegayaan in Imaaraadka uu damacsan yahay inuu saldhig ciidan ka sameysto Boosaaso si uu halkaas uga weeraro dalka Suudaan, taas oo keentay walaac siyaasadeed iyo mid amni.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here