Puntland, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa ku dhawaaqay inay dileen in ka badan 60 dagaallame oo ka tirsan kooxda Daacish, kaddib howlgal ballaaran oo ka dhacay buuraha gobolka Bari, halkaas oo maleeshiyaadka ku dhuumaaleysanayeen.
Afhayeenka hawlgallada la-dagaallanka argagixisada Puntland, Maxamuud Fadhigo, oo la hadlay warbaahinta fiidnimadii Talaadadii, ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay fuliyeen duqeyn cirka ah iyo weerarro dhulka ah oo lagu beegsaday xarumaha Daacish ee ku yaalla buuraha gobolka.
“Hawlgalka lagula dagaallamayo argagixisada wuu socdaa, waxaana dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Haraaryo lagu dilay inta u dhaxaysa 60 illaa 65 dagaallamayaal oo ka tirsan Daacish,” ayuu yiri Fadhigo.
Wuxuu intaas ku daray inuu tacsi u dirayo askartii naftooda u huray difaaca dalka, inkastoo uusan sheegin tirada ciidamada Puntland ee ku dhintay dagaalka.
Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar ay kooxda Daacish ku qaaday saldhig milatari oo ku yaalla gobolka Bari shalay. Waxay sheegeen in dagaallamayaashii weerarka soo qaaday ay ka mid ahaayeen kuwo isku soo xiray waxyaabaha qarxa iyo baabuur, iyagoo isku dayay inay gudaha u galaan saldhigga.
Tan iyo dhammaadkii bishii December, Puntland waxay dagaal xooggan kula jirtaa Daacish, gaar ahaan buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda. Puntland ayaa hore u shaacisay howlgal ka dhan ah Daacish, kaas oo ay sheegtay inay ku ciribtirayso kooxahan ku sugan deegaanada Puntland.
Sidoo kale, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa Talaadadii soo saaray war-saxaafadeed ay ku sheegeen inay duqeymo cirka ah la beegsadeen Daacish gobolka Bari 1-dii Febraayo 2025. Qiimeyntooda hordhaca ah ayaa muujineysa in lagu dilay ilaa 14 dagaallamayaal oo ka tirsan Daacish.
Waxay sheegeen in dagaallamayaashii la dilay uu ka mid ahaa Axmed Maeleninine, oo ahaa qof muhiim u ahaa Daacish, sida ay sheegeen, kana shaqeyn jiray qorista, maalgelinta, iyo abaabulka weerarrada dibadda, gaar ahaan kuwa ka dhaca Mareykanka iyo dalalka Yurub.
“Dhimista awoodda Daacish iyo kooxaha argagixisada ah si ay u qorsheeyaan oo u fuliyaan weerarro halis gelin kara amniga Mareykanka, xulafadeenna, iyo shacabka, waa mid kamid ah yoolalka ugu waaweyn ee AFRICOM,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay taliska Mareykanka.
Daacish waxay caan ku noqotay caalamka 2010-kii, gaar ahaan dalalka Suuriya iyo Ciraaq, balse haatan joogitaankooda wuxuu inta badan ku kooban yahay qaybo ka mid ah qaaradda Afrika, oo ay Soomaaliya ku jirto.
Sanadkii 2015, Daacish Soomaaliya ayaa ka go’day al-Shabaab, taasoo gacanta ku haysa qaybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya.