Friday, October 18, 2024

Puntland: in ka badan 20 kun oo arday oo u fadhiistay Imtixaanaadka shahaadiga

Garoowe (Dawan)- Arday gaareysa 21,801 ayaa maanta oo Sabti ah u fadhiistay Imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta Jaamacadda Puntland State University ee magaalada Garoowe ka daah-furay imtixaanaadka shahaadiga isaga oo ardayda kula dardaarmay in ay si habsami leh u dhamaystaan imtixaanadka.

Deni ayaa sidoo kale ku bogaadiyay mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada dadaalka ay ku bixiyeen howlaha imtixaanka shahaadiga ah ee sannadka 2023/2024., iyaga oo muujinaya karti iyo isku filnaansho.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday wasaaradda waxbarashadda ee Puntland, waxaa imtixaanaadka u fadhiistay 21,801 arday oo isagu jira 12,155 oo ah wiilal una dhiganta 55.75% iyo 9,646 oo ah gabdho una dhiganta 44.25%.

Ardayda galaysa imtixaanka Fasalka 8-aad waxaa lagu sheegay 14,239 arday. 7,824 ka mid ah waa wiilal halka 6,415 ay yihiin gabdho.

Ardayda ka baxeysa dugsiga Sare, waxa ay gaareysa tiradoodo 6,415 arday. 4,331 ka mid ah ardaydaas waa wiilal halka ay gabdho yihiin 3,231.

Imtixaanka waxa lagu qabanaya 140 xarumood oo ku kala yaal magaalooyinka Dowlad Goboleedka Puntland, sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada.

Mustaqbalka waxbarasho ee ardaydan ayaa wajahaya dhibaatooyin badan oo ay ugu wayntahay in ay helaan shahaadada la aqoonsayahay ee wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, iyada oo ay Puntland hore u jartay wada shaqayntii iyo xiriirkii kala dhexeeyay hay’adaha dowladda Federaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here