Thursday, March 13, 2025

Puntland iyo Mareykanka oo duqeeyay Saldhigyada Daacish

By Sayyid Omar

Ciidamada Mareykanka ayaa xalay duqeymo ka fuliyay aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeyo ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay warbaahinta ku hadasha afka Puntlanbd ayaa lagu yiri, “Duqeymaha ayaa lala beegsaday saldhigyo muhiim ah oo ay lahayd kooxda argagixisada ah ee Daacish, ayna ku sugnaayeen xubno ka tirsan argagixisada.”

Sidoo kale, weerarka oo ahaa bartilmaameed ayaa waxaa lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda Daacish, sida sida ay sheegeen Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

“Caawa abaare 09:00pm, saaxiibada Dowladda Puntland ee Mareykanka, waxay duqeyn ka fuliyeen buuralayda Calmiskaad, iyadoo la bartilmaamsaday xubno ka mid ah Argagixisada Daaciish” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Puntland.

Dowladda Mareykanka ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeymahan ka dhanka ah kooxda Daacish, iyadoo Mareykanka ay kamid tahay dowladaha waawayn ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Puntland ee kooxda Daacish, si looga saaro buuraleyda Puntland. Horaantii bishan, Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn uu ka geystay Buuraleyda Calmiskaad lagu dilay sarkaal sare oo ajaanib ah, kaas oo kooxda u qaabilsanaa howlaha muhiimka ah.

Puntland ayaa dagaal xooggan kula jiro Daacishta Soomaaliya, iyadoo dagaalladii ugu dambeyay ay Puntland sheegtay in xubno badan ay kaga dishay Daacish. Tan iyo dhammaadkii bishii December, Puntland ayaa dagaal xooggan kula jirta kooxda Daacish, gaar ahaan buuraleyda Calmiskaad, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here