Wednesday, March 12, 2025

Puntland oo xirtay albaabbadii ajaanibta aan sharciga lahayn

Garoowe, Puntland – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaday tallaabo adag oo cusub—soo-galitaanka ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka ayaa si rasmi ah loo mamnuucay laga bilaabo maanta, 19-ka Febraayo 2025.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay soo saaray amar Madaxweyne oo lagu mamnuucayo soo-galitaanka ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka ee kusoo gelaya deegaannada Puntland. Go’aankan ayaa dhaqan galaya laga bilaabo 19-ka Febraayo 2025.

Warqadda amarka Madaxweynaha ayaa si toos ah loogu faray dhammaan hay’adaha dowladda ee ay khuseyso, sida Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, iyo Hay’adda Socdaalka, inay si degdeg ah uga hawlgalaan hirgelinta amarkan cusub.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri:

“Waxaa dhammaan Hay’addaha ay warqadani ku socota lagu wargelinaya in la joojiyey laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka in aysan soo geli karin gudaha deegaannada Puntland.”

Amarkan ayaa lagu sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Puntland, iyadoo looga gol leeyahay in laga hortago soo-galitaanka ajaanib sharci darro ah oo khatar ku noqon kara amniga gobolka. Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dhawaan la soo saari doono xeer gaar ah oo nidaaminaya dal-ku-galka ajaanibta kusoo gelaya Puntland.

Go’aankan cusub ayaa daba socda wareegto hore oo 26-kii Janaayo 2025 ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, taas oo si rasmi ah u mamnuucaysay soo-galitaanka sharci darrada ah ee ajaanibta.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe ku jirtay dagaal ka dhan ah kooxaha hubeysan ee ka hawlgala deegaannadeeda, gaar ahaan kooxda Daacish. Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegaya in xubnaha Daacish ee ku sugan gobolka ay intooda badan yihiin ajaanib, taasoo sababtay in la qaado tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo soo-gelitaanka dadka aan sharciga haysan.

Sidoo kale, Puntland ayaa horay amar ugu soo rogtay ajaanibta ku sugan deegaannadeeda ee dawarsada iyagoo isticmaalaya lambarrada taleefanka, iyadoo shirkadaha isgaarsiinta lagu amray inay xiraan lambarradaasi.

Puntland waxay sidoo kale ka mamnuucday ajaanibta ganacsiyada yaryar ee sharci darrada ah ee suuqa lala wareego, kuwaas oo la sheegay inay kaalin weyn ka qaataan kobcinta dhaqaalaha aan nidaamsaneyn ee ka jira gudaha Puntland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here