Wednesday, March 12, 2025

Puntland oo Adkaysay Mamnuucista Tuugsiga Ajaanibta

Soohoyde

Garoowe, Puntland – Puntland ayaa markale soo saartay go’aamo cusub oo lagu xoojinayo mamnuucista tuugsiga ay ajaanibtu ka sameeyaan deegaanadeeda, iyadoo si gaar ah u amartay shirkadaha isgaarsiinta in ay xiraan dhammaan lambarada telefoon ee loo adeegsado tuugsiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland ayaa lagu sheegay in horey loo xiray qaar ka mid ah lambarada lagu tuugsado, balse ay weli jiraan qaar shaqeynaya. Sidaas darteed, shirkadaha isgaarsiinta ayaa lagu amray in ay mar kale gebi ahaanba xiraan dhammaan lambarada ay adeegsadaan dadka tuugsada, gaar ahaan ajaanibta.

Shirkadaha isgaarsiinta waxaa marlabaad la farayaa in la xiro guud ahaan lambarada tuugsadayaasha ajaanibta ah ee dariiqyada Puntland ka dawarsada, ayna dabagalaan lambarada arrimahaas loo adeegsado,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa faray shirkadaha isgaarsiinta in ay fulinta awaamiirtaasi si rasmi ah ula wadaagaan maamulada gobollada iyo degmooyinka, si loo xaqiijiyo hirgelinta xayiraadda.

Go’aankan cusub ayaa daba socda wareegto hore oo 26-kii Janaayo 2025 ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, taas oo mamnuucday tuugsiga warqadaha lambarrada ku qoran ee lala istaago waddooyinka, masaajidda, iyo goobaha ganacsiga. Waxa kale oo wareegtadu faraysay shirkadaha  in ay hakiyaan  lambarada ay adeegsadaan dadka shisheeyaha ah ee ku sugan deegaanada Puntland.

Tallaabooyinkan ayaa la rumeysan yahay in ay qayb ka yihiin dagaalka Puntland kula jirto kooxaha argagixisada, gaar ahaan kooxda Daacish, oo ciidanka ammaanka ay sheegaan in xubnahooda badankood ay yihiin ajaanib.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here