Friday, September 27, 2024

Puntland oo Q M gaarsiisay go’aankii ay xiriirka ugu jartay dowladda Federaalka

Garoowe (Dawan)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa maanta kawada hadalay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan khilaafka ka dhashay ansixitiii wax ka bedelka lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka.

Sida uu sheegay Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya la wadaagay go’aanka ay Puntland xiriirka ugu jartay dowladda Federaalka.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo kuwa bani’aadantinimo ee ay Qaramada Midoobey ka fuliso deegaanada hoos taga Puntland iyo sidii loosii dardargelin lahaa wadashaqeynta toos ah oo dhax marta labada dhinac.

Booqashada ay Catriona Laing ku tagtay magaalada Garoowe ayaa kusoo beegmeysa iyada oo ay Puntland ku dhawaaqday xalay in ay kala noqotay qoonsigii iyo kalsoonidii hay’addaha Dowladda Federalka ah inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland-na qeyb ka tahay

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay si toos ah ugala xaajoonaysaa Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda.

Baarlamaanka Soomaaliya (Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka) ayaa shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedelka lagu sameeyay cutubka 1-aad ilaa 4-aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah.

Qodobada khilaafku ka jiro ee isbedelka lagu sameeyay, waxaa ka mid ah iyada oo laga guurayo hannaanka Baarlamaanka loona guurayo hannaan madaxtooyo, waxaana si toos ah madaxweynaha usoo dooran doona shacabka.

Isbedelka cusub ee lagu sameeyay dastuurka ayaa sidoo kale qeexaya in madaxweynuhu magacaabi karo sidoo kalena xilka ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha iyada oo aan loo baahan Baarlamaanka.

Muddada xilheynta hay’adaha la doorto ayaa laga dhigay shan sano, sida lagu xusay nuqulka kamadambeysta ah ee Dastuurka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here