Sunday, September 8, 2024

Puntland oo qabatay doorashooyinka 3-dii degmo ee harsaneed

Garoowe (Dawan)- Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta qabtay doorashooyina goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo, iyo Godobjiiraan, iyada oo codbixinta ay iska diiwaan geliyeen in ka badan 60,000 oo qof.

Cod-bixiyayaasha ayaa lagu arkayay iyaga oo ku jira safaf dhaadheer, mana lasoo soo tebin wax ka dhan ah habsami u socodka doorashada.

Doorashadan ayaa markii hore qorshuhu ahaa in ay dhacdo ka hor doorashada Madaxtinimada Puntland ee bishii January balse waxaa dib u dhigay khilaaf ka dhashay xilligaas qaabka loo qabanayo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan , ayaa codkiisa ka dhiibtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaas, isagoo bogaadiyay sida ay dadwaynuhu uga qayb noqdeen hirgelinta dimuquraadiyadda iyo sida xorriyadda leh ee ay u dhiibteen codkooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here