Thursday, September 19, 2024

Q M oo cambaareysay rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka

New York (Dawan)- Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay heerka kororka rabshadaha ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka bini’aadantinimo, iyadoo la soo wariyay in la dilay 280 shaqaale gargaar ah oo caalami ah sannadkii 2023, taasoo noqotay tiradii ugu badnayd ee abid la diiwaangeliyo.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digtay in dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas ee ka socda Gaza uu sababi karo dhimasho intaas ka sii badan sannadkan.

Sannadkii 2023, waxaa lagu dilay 280 shaqaale gargaar ah oo ka howlgalayay 33 waddan, taasoo ka dhigan koror dhan boqolkiiba 137 marka loo eego sannadkii 2022, oo la dilay 118 shaqaale gargaar ah, sida lagu sheegay warbixinta OCHA.

Dalka Gaza ayaa noqday meesha ugu dhimashada badneyd, iyadoo 163 ka mid ah dhimashada shaqaalaha gargaarka ay halkaas ka dhacday saddexdii bilood ee ugu horreysay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas, inta badan duqeymo cirka ah, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Wadamada kale ee ugu dhimashada badan shaqaalaha gargaarka waxaa ka mid ah Suudaanta Koonfureed oo lagu dilay 34 shaqaale gargaar ah iyo Suudaan oo lagu dilay 25 qof, kuwaas oo ay ragaadiyeen dagaallo sokeeye.

Israa’iil iyo dalka Suuriya ayaa mid kasta waxaa lagu dilay 7 qof, Itoobiya iyo Ukraine mid kasta waxaa lagu dilay 6 qof, halka Soomaaliya waxaa lagu dilay 5 qof. Dalka Myanmar iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxaa mid kasta lagu dilay 4 shaqaale gargaar ah.

OCHA ayaa sidoo kale ka digtay in sannadka 2024 uu noqon karo mid ka sii halis badan 2023. Laga bilaabo Agoosto 9-keedii, waxaa la dilay 176 shaqaale gargaar ah guud ahaan dunida, sida laga soo xigtay Aid Worker Security Database.

Sanad walba Qaramada Midoobay waxay dhigtaa Maalinta Caalamiga ah ee Gargaarka Bini’aadantinimo bisha Agoosto 19-keeda, oo ku beegan sanad-guuradii weerarkii 2003 ee lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee Baghdad, kaas oo lagu dilay 22 qof oo uu ku jiray wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Ciraaq, Sergio Vieira de Mello, iyo dhaawac gaaray 150 qof oo shaqaale gargaar ahaa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here