Sunday, September 8, 2024

Qaramada Midoobay: 9,000 oo haween ah ayaa lagu dilay Gaza

Gaza (Dawan)- Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegtay in in ka badan 9,000 oo haween ah  ay ku dhinteen weerarada aan kala joogsiga lahayn ee ay Isarel ka waddo Marinka Gaza.

Sidaa waxa sheegtay Agaasimaha u qaabilsan Qaramada Midoobay Arrimaha Haweenka, Sima Bahouth, xilli ay ka socotay Magaalada New York munaasabad lagu xusayay maalinta haweenka adduunka ee la dhigo 8-da March ee sannad kasta.

Sima Bahouth ayaa tilmaamtay in dhibaatada ugu badan ee dagaalada in ay soo gaarto haweenka iyo carruurta, iyada oo xustay dhibaatooyinka ay wajahayaan haweenka ku nool dalalka Haiti, Suudaan, Myanmar, , Ukraine, Afgaanistaan ​​iyo meelo kale oo adduunka ah oo ay colaado ka jiraan.

Waxa ay intaasi ku dartay in mudooyinkii u dambeeyay ay haweenka ku soo badanayeen tacaddiyo badan sida kufsiga iyo dilka.

Waxay carrabka ku adkeysay baahida degdegga ah ee loo qabo xabbad joojin ka hirgasha Gaza, iyada oo tilmaamtay in aan arrinta Gaza la xalli karin iyadoo aan caddaalad loo helin dhammaan dhibanayaasha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here