Gaarisa (Dawan)- Booliska Gaarisa ayaa Jimcihii xaqiijiyay in ugu yaraan afar qof ay ku naf waayeen, 5 kalena ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ka dib markii gaari ay saarnaayeen oo rakaab ahaa uu dulmaray walxaha qarxa ee dhulka lagu aaso xilli ay marayeen inta u dhaxeysa Egge iyo Bogyar ee ku teedsan waddada Dhadhaab-Gaarisa ee duleedka magaalada Dhadhaab.
Gaariga qaraxa lala beegsaday waxaa saarnaa 11 qof oo rakaab ah oo kamid yihiin Ugaas Amiin Ugaas Xasan iyo wiilkiisa, wuxuuna qaraxu burbur xooggan gaarsiiyay gaariga.
Gaariga la qarxiyay ayaa ku wajahnaa magaalada Kullan oo ka tirsan deegaanka Dhadhaab oo lagu waday in manta oo Sabti ah ay ka dhacdo munaasabad lagu caleema saaraya ugaas cusub.
Qaraxaan ayaa imaanaya iyadoo Guddoomiyaha Amaanka ee Ismamulka Gaarisa, Solomon Chesut uu xusay in ciidamada ammaanku ay ku guulaysteen in ay fashiliyaan 2-dii December isku day weerar oo ay Al-Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan deegaanka uu hadda qaraxa ka dhacay
Solomon Chesut ayaa intaas raaciyay in iyada oo laga jawaabayo khatarta sii kordheysa in dadaal xoogan la geliyay tillaabooyinka ammaanka lagu xaqiijinayo ee Dhadhaab.
Al-shabaab ayaa billawday sannadkii 2011-kii weerarrada ay ka geysanayso gudaha dalkan Kenya, taas oo ay kaaga jawaabayso go’aankii Kenya ay ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya si ay qeyb ugu noqdaan howlgalka dib loogu soo celinayo nabadda iyo kala dambeynta
Kadib faragelinta ciidamada Kenya ee gudaha Soomaalia, waxaa Kenya gudaheeda ka dhacay dhowr afduub ay ku jiraan afduub loo geystay dad dalxiisayaal iyo samafalayaal ah .
Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay soo abaabuleen dagaalamayaasha Al-Shabaab aya ahaa weerarkii bishii April 2015 lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee ay ku naf waayeen ku dhawaad 150 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.