Saturday, September 7, 2024

Qarax xooggan oo ka dhacay maagalada Ceel-waaq

Mandheera (Dawan)- Qarax xooggan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa subaxnimadii maanta ka dhacay magaalada Ceel-waaq ee gobolka Mandheera.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in arkeen maydadka shan qof oo yaal goobta uu qaraxu ka dhacay oo ahayd ka soo horjeedka saldhiga Boliiska ee Ceel-waaq.

Boliiska deegaanka oo xaqiijiyay qaraxa, kama bixin faahfaahin dheeraad ah iyo khasaaraha ka dhashay qaraxa.

Dadka ay dhibaatadu soo gaartay, waxaa ka mid ah dad kasoo jeeda gobollada kale ee Kenya kuwaas oo ah macalimiin, kalkaaliyayaal iyo saraakiil Boliis ah.

Bankiga Equity ayaa sheegay in qaraxa kadib ay hakiyeen howlihii ay ka wadeen laanta ay ku leeyihiin Ceel-waaq.

“Macaamiisha Sharafta leh, waxaan ka xunahay inaan idin ogeysiinno, in laanta Ceel-waaq ee Mandheera ay maanta xirnaan doonto, kaddib qarax ka dhacay magaalada Ceel-waaq. Waxaan xaqiijineynaa in laanteena Ceel-waaq iyo shaqaalaheena ay nabad qabaan” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay Bangiga.

Laamaha amniga ayaa billaabay baaritaano lagu xaqiijinayo amniga, inkasta oo aan wali la sheegin cid loo soo qabtay falkaas.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay rumeysan yihiin in dhacdadan ay ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab ama kooxo kale oo xiriir la leh oo ka howlgala deegaanka.

13-kii bishaan April, rag hubeysan ayaa weerar kusaoo qaaday isbitaal ku yaal meel u dhaw xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxeyna argagax geliyeen howlwadeenadi iyo dadkii ku sugnaa isbitaalka.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ka geysatay xuduudka ay wadaagaan labada dal iyo gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka xeebta ah ee Lamu iyo gobolka Waqooyi-Bari.

Weeraradaan soo noqnoqday ayaa sababay in dowladda Kenya ay hakiso qorshaha lagu furayo xadka u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ah (ATMIS) ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo kaalin weyn ka qaata dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto kooxda Al-shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here