Thursday, September 19, 2024

Qaraxyo is rasaasayn laga maqlay caasimadda Mali

Bamako (Dawan)- Qaraxyo xoogan iyo is rasaasayn muddo socotay ayaa laga maqlay subaxnimadii hore ee maanta xaafado badan oo ka tirsan magaalada Bamako ee caasimadda dalka Mali, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters

Goobaha laga maqlay is rasaasaynta waxaa ka mid ah garoonka diyaaradaha iyo meel u dhaw xarun ay degganyihiin ciidamo oo ku taal caasimadda.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Mali ayaa lagu sheegay in maamulka magaalada Bamako uu ku jiro gacanta ciidamada amaanka, iyada oo laga hortegay weeraro lagu soo qaaday dugsiga tababarka ciidamada ee Gendarmerie.

“Subaxnimadii hore ee saakay, koox argagixisa ah ayaa isku dayday inay gudaha u galaan dugsiga tababarka ciidamada ee Gendarmerie. Hadda waxaa socda howlgal lagu sugayo amniga laguna baacsanayo kooxdii weerarka fulisay” Sidaas ayaa lagu yiri; war-saxaafadeedka ciidanka.

Mali ayaa ka mid ah dowladaha galbeedka Afrika ee weeraro kala kulma kooxa hubeysan oo awood ku leh waqooyiga dalkaas, kuwaas oo fuliyay tan iyo sannadkii 2012-kii, weeraro ay ku dhinteen kumanaan qof sidoo kalena ay ku barakaceen malaayiin qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here