Friday, May 9, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa 6-da May 2025 ku dhawaaqay in Mareykanku joojin doono weerarradii cirka ee ka dhanka ahaa kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen, kadib markii hogaamiyeyaasha Xuutiyiinta ay ballanqaadeen inay joojinayaan weerarada ay ku hayaan maraakiibta maraysa Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Jigjiga

Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa 6-dii bishan lagu daahfuray cilmi baaris cusub oo ku saabsan sidii looga faa’iideysan lahaa isticmaalka daawo dhaqameedka, iyadoo lagu xoojinayo cilmi baaris casri ah. Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya, Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida, iyo jaamacadaha kala duwan ee magaalada Jigjiga iyo Qabri Dahar.

Muqdisho

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa baaqday kadib markii aan la helin kooramkii buuxa ee looga baahnaa in kulanku furmo, iyadoo Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), uu si kulul ugu baaqay xildhibaanada inay ka soo qeyb galaan fadhiyada Golaha.

New delhi/Islamabad

Xiisadda u dhaxeysa dalalka nukliyeerka leh ee Hindiya iyo Pakistan ayaa si weyn u cirka isku shareertay kadib weerarro cirka ah oo ay Hindiya ku qaaday gudaha Pakistan iyo dhulka ay maamusho ee Kashmir. Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabtay iyadoo soo ridday shan diyaaradood oo dagaal oo Hindiya leedahay iyo hal diyaarado drone ah, ayna diyaar u tahay in si buuxda u aargudato.

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 6 May 2025 la kulmay Michael E. Langley, Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ay wehlinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada qusulka Itoobiya u fadhiya Somaliland Teshome Shunde Hamito.

Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyay inuu wado qorshe lagu burburinayo Madasha Wadatashiga Qaranka, isaga oo doonayo in loo beddelo xisbi siyaasadeed uu isaga gaar u leeyahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here