Wednesday, October 2, 2024

Qorshaha xil ka qaadista madaxweyne ku xigeenka Kenya oo billowday

Nairobi (Dawan)- Xildhibaanada Kenya ayaa Talaadadii bilaabay qorshaha xilka looga xayuubinayo madaxweyne ku xigeenka Rigathi Gachagua, taas oo muujineysa khilaaf ba’an oo ka dhex jira xisbiga talada haya.

Siyaasadda dalka Kenya ayaa tan iyo bishii July ku jirtay jahawareer ka dib mudaaharaadyo ay dad ku dhinteen oo ka dhashay sicir-bararka maciishada iyo canshuur kordhin aan la jeclasanin

Maxaa lagu haysaa Gachagua

Gachagua ayaa loo soo jeediyay dhowr eedeyn oo kala ah in uu wiiqay habsami u socodka howlaha dowladda, ku lug lahaansho arrimo musuq-maasuq, maamul-xumo, kala qaybin ku salleysan isir iyo arrimo kale.

Ilaa 291 xildhibaan ayaa saxiixooda ku lifaaqay taageerada mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka , taasoo dhaaftay tiradii loo baahnaa ee 117 xildhibaan.

Guddomiyaha baarlamaanka Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in mooshinka uu soo gudbiyay Mutuse Eckomas Mwengi, oo ah xlidhibaan ka tirsan isbaheysiga talada haya uu buuxiyay dhammaan shuruudihii dastuuriga ahaa ee loo baahnaa.

Mooshinka waxaa loo cugsaday 11 sababood oo keeni kara xil ka qaadis, waxaana ka mid ah eedda ah in Gachagua uu aruursaday hanti lagu qiyaasay 5.2 bilyan oo shilin ($40 milyan) muddo laba sano gudahood ah iyada oo mushaarkiisa uu dhanyahay sanadkii $93,000.

Gachagua, ayaa beeniyay dhamaan eedeymaha loo jeediyay , wuxuuna ku tilmaamay kuwa salka ku haya arrimo siyaasadeed, isaga oo ka digay in xilka qaadistiisa ay kicin doonto dadka soo doortay.

Ganacsadahan oo 59 sano jirka ah ayaa horay uga badbaaday fadeexooyiin musuq maasuq iyo xiriiro uu la lahaa maamulkii hore ee dalka, wuxuuna ku guuleystay xilka madaxweyne ku xigeenka doorasho si weyn loogu loolamay sanadkii 2022-ka.

Balse todobaadyadii la soo dhaafay, waxa uu ka cabanayey in awoodiisa hoos loo dhigay, iyadoo lagu eedeynayo in uu taageeray dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee Kenya ruxay bartamihii bishii June.

Mudaaharaadyada ayaa ka dhashay canshuur kordhin lagu sameeyay hindise sharciyeedka maaliyadda ee 2024-ka, waxaana ku dhintay In ka badan 60 qof.

Maxaa loo baahanyahay si xilka looga qaado Gachagua?

Si mooshinka xil-ka-qaadista uu u meelmaro, waxaa loo baahnaa doonaa taageerada ugu yaraan saddex-meelood laba meel xubnaha Golaha Shacbiga. Dood iyo codayn ayaa la filayaa in la qabto talaadada soo socota ka hor inta aan loo gudbin aqalka sare.

Haddii uu hirgalo mooshinkan, Gachagua wuxuu noqonayaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee xilka laga xayuubiyo tan iyo markii wax ka bedelis lagu sameeyay dastuurkii dalka ee 2010-kii.

Markii ugu dambeysay ee madaxweyne ku xigeenka Kenya xilka looga xayuubiyay duruufo la mid ah tan oo kale waxay ahayd sanadkii 1989-kii waxaana xilligaas madaxweyne ku xigeen ahaa Josephat Karanja oo lagu eedeeyay inuu wiiqay shaqada madaxweynihii xilligaasi Daniel Arap Moi.

Dr Karanja, oo horay u soo noqday danjirihii ugu horreeyay ee Kenya u fadhiyay Britain iyo guddoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Nairobi, ayaa lagu qasbay inuu xilka iska casilo ka dib hal sano iyo hal bil oo kaliya oo uu xilka hayay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here