Sunday, November 24, 2024

Qoyska wiil lagu dilay Nairobi oo dalbanaya caddaalad

Nairobi (Dawan)- Qoyska Cabdiraxiim Cabdullaahi Ibraahim, oo 25 jir ahaa, ayaa ku baaqay in dilaaga ka dambeeyay dilka cadaaladda la horkeeno, ka dib markii muuqaalka kaamirada CCTV uu soo bandhigay dhacdadii lagu dilay.

Cabdiraxiim ayaa habeenimadii Sabtida lagu dilay waddada 14-aad ee agagaarka dhismaha DD Plaza ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, xilli uu la joogay gabar uu kala dhaxeeyay xiriir

Xogta laga helay muuqaalka CCTV ayaa muujisay, nin aan la aqoonsanin oo si dhow uga tooganaya Cabdiraxiim meel ka hooseysa dhegta, taasoo keentay in rasaastu ka baxdo dhinaca kale ee madaxa. Gacan ku dhiiglaha ayaa kadib taleefoonkiisa ka qaatay Cabdiraxiim.

Sida ay sheegeen qoyskiisu oo la hadlay warbaahinta, Cabdiraxiim ayaa xiriir la lahaa gabadha uu la kulmay habeenkaas, taasoo ka shaqeysa mid ka mid ah maqaayadaha Islii. Gabadha ayaa markii uu falku dhacay ku wargelisay booliska saldhiga Shauri Moyo, iyadoo sidoo kale qoyska la gaarsiiyay warbixintaas.

Baaritaan lagu sameeyay meydka ayaa xaqiijiyay in Cabdiraxiim uu u dhintay dhiig bax xad dhaaf ah oo ka dhashay rasaasta kaga dhacday qoorta. Cabdiraxiim ayaa lagu aasay qabuuraha Lang’ata ee magaalada Nairobi, iyadoo qoyskiisu ay dalbanayaan in tallaabo degdeg ah laga qaado shaqsigii ka dambeeyay dilkaas.

Qoyska Cabdiraxiim ayaa rajeynaya in boolisku ay adeegsadaan muuqaalka CCTV si loo qabto gacan ku dhiiglaha. Dhacdadan ayaa imaaneysa maalmo uun ka dib markii si arxan darro ah loo dilay qoys ka kooban saddex qof, taasoo loo xiray eedeysane lagu magacaabo Haashim Dagane Muxumed, oo la rumeysan yahay inuu dilay hooyo, gabar ay dhashay, iyo gabar ay habaryar u ahayd.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here