Sunday, September 8, 2024

R/Wasaare Xamsa oo daah furay Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daahfuray Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya oo ay hirgelintiisa agacn ka geysatay Dowladda Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in hirgelinta Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya uu marag u yahay ahmiyadda ay Xukuummada Soomaaliya siineyso soo-celinta addeegyada dowladnimo ee muddada dheer ka maqnaa muwaadiniinta, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’atahay dowladda ka mira dhalinta sidii dalka loo gaarsiin lahaa nabad iyo xasillooni waarta.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri ” Ra’iisul Wasaaraha ayaa Sanduuqa TPSS ku tilmaamay hindise togan oo looga golleeyahay in uu qaabeeyo mustaqbalka Qaranka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Talyaaniga kaalinta ay ka geysatey taabbagelinta Sanduuqa TPSS. Wuxuuna beesha caalamka ku guubaabiyey in ay si weyn uga soo dhalaalaan sidii hindisahani u noqon lahaa mid miro dhala”.

Dhankiisa Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Alberto Vecchi ayaa ka hadlay sida ay Talyaaniga uga go’an tahay taageeridda nabadda iyo xasilloonda Soomaaliya, taas oo uu sheegay in ay fure u tahay horumar iyo barwaaqo dalku gaaro.

Danjire Vecchi ayaa sidoo kale ballanqaaday in Talyaanigu sii wadi doono taabbagelinta Sanduuqa Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida , si loo xaqiijiyo in dowladdu adeeg dhinacyo badan leh u fidiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Munaasibadda daahfurka Sanduuqa Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socdey Dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga, Diblomaasiyiin, qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey iyo ururrada ka shaqeeya dhanka horumarinta.

Barnaamijkan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu xoojiyo adeegyada ay bixiyaan hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here