Saturday, March 15, 2025

Khilaafka DF & Jubaland iyo Eedeymaha Shabaabnimada

Soohoyde

Mogadishu — Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ayaa maraya meel xasaasi ah kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, uu eedeyn culus u jeediyay maamulka Jubaland isagoo ku eedeeyay inuusan si dhab ah uga go’nayn dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabadda sanadguurada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in maamulo qaar oo dalka ka jira aysan ku shaqeynin hab dowladnimo rasmi ah balse ay ku dhaqmaan nidaamyo u eg jabhado. Wuxuu si gaar ah u xusay Jubaland isagoo sheegay in maamulkaasi uusan dadaal badan ku bixin sidii looga saari lahaa Al-Shabaab deegaanada uu weli ka haysto Jubaland.

Markii Ciidanka Soomaaliyeed la weerarayo, Shabaab waa la dhex mari karaa, laakin marka Shabaab la weerarayo lama dhex mari karo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Wuxuu sidoo kale xusay oraah caan ah oo uu adeegsaday abwaan Soomaaliyeed oo ahayd Shaki maleh in ay laba Shabaab wada shaqeeyaan, taasoo uu ula jeeday inuu jiro xiriir hoose oo ka dhexeeya Jubaland iyo Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in hubka loo adeegsaday weerarada ka dhanka ah ciidamada qalabka sida uu ahaa mid loogu talagalay in lagu xoreeyo degmada Badhaadhe oo weli gacanta ugu jirta Al-Shabaab, balse halkii loo adeegsan lahaa xoreyntaasi, lagu beegsaday ciidamada dowladda.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uusan marnaba si dhab ah dagaal ula gelin Al-Shabaab. Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay jirto suuragalnimo ah in Axmed Madoobe uu dhowrayo xiriirkii hore ee uu la lahaa xubno katirsan Al-Shabaab.

Xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ayaa haatan maraya heer aad u liita, iyadoo ay jireen dagaallo toos ah oo dhex maray ciidamada labada dhinac iyo eedeymo is-daba joog ah oo ku saabsan xiriirka lala leeyahay Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here