Kismaayo (Dawan)- Wararka laga helayo deegaankaa Raas-kambooni ee gobolka Jubada Hoose ayaa tilmaamaya inuu dagaal dhax maray subaxnimadii maanta ciidamada dowladda federaalka ee dhawaan halkaas la geeyay iyo ciidamada Jubaland.
Labada dhinac waxay is waydaarsadeen eedeymo ah in dhinaca kale uu dagaalka billaabay balse ma jiraan ilo-madax bannaan uu xaqiijin kara sida ay wax u jiraan.
Qoraal kasoo baxay, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu yiri; ” Subaxnimadii hore ee saakay ayaa koox ka tirsan Ciidanka Jubaland oo uu si qaldan u isticmaalay Axmed Madoobe waxaa ay soo weerareen fariisin Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland ay ku leeyihiin Gobalka Jubada Hoose”
Wasaaraddu waxay intaas raacisay inuu jiro xiriir dhex maray Axmed Madoobe iyo ururka Al-shabaab kaas oo fududeeyay in ciidamada Jubaland ay soo maraan deegaano ay maamulaan Al-shabaab kadibna ay soo weeraraan ciidamada dowladda ee fadhigoodu yahay Raas-kambooni
Dhanka kale, warbaahinta ku hadasha afka dowlad goboleedka Jubaland ayaa sheegtay in ciidamada Jubaland ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Raas-kambooni kadib markii dagaal dhex maray ciidamada dowladda federaalka.
Jubaland waxay intaas ku dartay in dagaalka lagu qabtay 42 kamid ah ciidamada dowladda, iyada oo ay jiraan qaar kale oo isa soo dhiibay, inkasta oo aysan weli soo bandhigin muuqaalo muujinayo ciidadmada la qabtay ama isa soo dhiibay.
Si kastaba ha ahaate, xiisadda u dhaxeysa labada dhinac ayaa u muuqata inay gaartay xaaladdii ay wax garadku ka digayeen maamlmihii lasoo dhaafay taas oo ah inuu dhaco dagaal fool ka fool ah oo saamayn doona bulshada ku nool deegaanka iyo guud ahaan amniga dalka.