Friday, September 20, 2024

Racfaanka oo xukun kasoo saartay mas’uuliyiin loo haystay musuq

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay eedeymo masuqmaasuq oo loo haystay Agaasimayaashii hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Siciid Cali Maxamed, ayaa ku dhawaaqay in Maxkamaddu ay ku weysay dhammaan eedeymihii musuq maasuq ee ay Xeer Ilaalinta ku soo oogtay Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo hore usoo ahaa Agaasimayaashii guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Maxakamadda ayaa sidoo kale amartay in Cabdullaahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar dib loogu celiyo xorriyadooda.

 Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa bishii September go’aan kasoo saartay 11 eedeysane oo ka mid yihiin labadaan Agaasime iyada oo xilligaas ay Maxakamddu sheegtay in wax dambi ah lagu waayay labadooda basle Xeer Ilaalinta ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda.

Dhanka kale, Maxkamadda Racfaanka ayaa xukun saddex sano ah ku riday Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ay Maxkamadda Banaadir hore ugu waysay wax dambi ah.

Maxkamadda Racfaanka ayaa sheegtay in Cabdiwaaxid lagu helay dambi ah in lacag ay lahayd Wasaaradda lagu shubay akoonkiisa gaarka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here