Friday, November 22, 2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u amba baxay Qatar

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu amba baxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaaraha ayaa lagu yiri ” Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa inta uu joogo kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar”.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la kulmi doona ganacsata dalka Qatar si ay ugala hadlaan maalgashiga Soomaaliya, waxaana la qorsheynaya in labada dal ay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii May ee lasoo dhaafay booqasho ku tagay Qatar, halkaas uu kula kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Xamad Al-Thani, iyagoo ka wada hadley iskaashiga iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadinta dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhax gelay.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here