Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa daah-furay barnaamijka Badmaal, oo diiradda saaraya taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnaanta iskaashatooyinka kalluunka, si ay uga faa’iideystaan khayraadka badda.