Monday, September 16, 2024

Ra’iisul Wasaarihii Haiti oo iscasilay kuna baaqay in la ilaaliyo nabadda

Port-au-Prince (Dawan)-Ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry ayaa aqbalay inuu iscasilo ka dib toddobaadyo cadaadis ah iyo rabshadaha sii kordhaya ee ka socda dalkiisa.

Go’aanka iscasilaadda ayuu qaatay ka dib markii hoggaamiyeyaasha gobolka ay ku kulmeen Jamaica Isniintii si ay uga wadahadlaan isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca Haiti.

Mr Henry ayaa hadda ku xayiran Puerto Rico ka dib markii ay ka hor istaageen kooxo hubeysan inuu ku laabto dalkiisa.

Khudbad muuqaal ah oo uu ku shaacinayey iscasilaadiisa, Mr Henry ayuu ku booriyey dadka Haiti inay isdejiyaan.

“Xukuumadda aan hoggaamiyo waxay isla markiiba ku wareeji doonta mas’uuliyadda dalka marka la dhiso golaha ku-meel-gaarka” ayuu Henry yiri.

“Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo dadka Haiti fursada ay isiiyeen , waxaana ka codsanayaa dhammaan dadka Haiti inay isdejiyaan oo ay sameeyaan wax kasta oo ay awoodaan si nabadda iyo xasilloonida ay u soo laabtaan sida ugu dhakhsaha badan.” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Mr Henry, oo si ku meel gaar ah dalka u soo maamulayay tan iyo bishii July 2021 ka dib dilkii madaxweynihii hore ee Jovenel Moïse, ayaa marar badan dib u dhigay doorashada, isagoo sheegay in marka hore ay tahay in ammaanka la soo celiyo.

Dowladda Haiti ayaa ku dhawaaqday xaalad ah iyo bandow habeenkii ah si ay u xakamayso mowjado rabshado ah oo ka dhashay weerar ay kooxo burcad ahi ku qaadeen xabsiga ugu weyn ee dalkaas kaas oo kumanaan maxaabiis ah ay ka baxsadeen.

Magaalooyinka Bandowga lagu soo ragay waxaa ka mid ah Gobollada Galbeedka, oo ay ku jirto caasimadda, Port-au-Prince.

Dawladdu waxay tilmaamtay in ujeeddada bandowga ay tahay sidii loo soo celin lahaa kala dambeynta iyo in la xakameeyo rabshadaha socda.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii October ee lasoo dhaafay isku raacay in dalka Haiti loo diro ciidamo caalami ah oo ay hoggaaminayso dDwladda Kenya, si ay laamaha amniga ee dalkaas uga caawiyaan ka hortagga rabshadaha kooxaha burcadda ah.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka taagan Haiti ay ku dhinteen dad ka badan 2,400 oo qof  sannadkii 2023

Dalka Haiti ayaa galay xaalad amni xumo iyo colaad kadib markii la dilay Madaxweyne Jovenel Moise  sannadkii 2021, waxaana xoogeystay kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda Dowladda kuwaas oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here