Monday, September 16, 2024

Real Madrid oo markii 15-aad ku guuleysatay Champions League

London ( Dawan)- Kooxda Real Madrid ayaa markeedi 15-aad ku guuleysatay koobka Champions League kadib markii ay 2-0 uga badisay kooxda Borussia Dortmund.

Goolasha Real waxaa u kala dhaliyay Daniel Carvajal daqiiqaddii 74-aad  iyo Vinicius Jose Junior daqiiqadd– 85-aad.

Borussia Dortmund oo soo cajiib ah usoo reebtay kooxaha Atletico Madrid iyo Paris Saint-Germain ayaa ugu dambayn la kulantay guul darroo xanuun badan kadib markii ay garoonka Wembley ee magaalada London uga hortageen kooxda ugu hanashada badan koobkan Champions League ee Real Madrid.

Guusha Real ayaa ka dhigan in ay koobkan ku guuleysteen labo ka mid ah saddexdii sano ee la soo dhaafay iyo sidoo kale lix jeer 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here