Sunday, September 8, 2024

Roobab ka da’ay Wajeer oo saameyn ku yeeshay Dadka

Wajeer (Dawan)- Roobab xoogan oo ka da’ay saacadihii lasoo dhaafay Wajeer iyo deeganada ku teedsan ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay qeybaha kala duwan ee nolosha dadka.

Qaar ka mid ah dadka ku nool xaafadaha Wajeer ayaan xalay seexan guryahooda kadib markii roobki day’ay uu keenay daad xoogan oo usoo galay guryahooda.

Daadadka ayaa saameyn xoogan ku yeeshay xaafadaha ay degganyihiin dadka dan yarta ah, waxaana adkaatay in la isaga goosho xaafadaha kala duwan kadib markii biyuhu jareen waddooyinka waaweyn iyo kuwa xaafadaha dhax mara.

Dhanka kale, waxaa laga cabsi qabaa in cuduro ka dhashaan daadadka iyo biyaha fadhiya waddooyibnka kadib markii wasaqda musqulaha ay ku darsantay meelaha ay biyuhu fadhiisteen.

Qaar ka mid ah dadkii uu saameynta ku yeeshay roobka ka da’ay sacadihii lasoo dhaafay Wajeer ayaa ka codsaday hay’adaha iyo maamulka in loosoo gurmado sidoo kalena biyaha fadhiya waddooyinka loo furo meel ay maraan.

Duniyo Maadey Xasan ayaa tiri ” Meel aan wax ku karsano ma heysano, meel aan dab ku shidano mal ahan, alaab ma heysano, waxaan dowladda ka rabnaa in ay sid eg degg nooso gaarto oo wax noo qabato.

Sidoo kale Aadan Macallin ayaa shegay in noloshu ku adkaatay kadib roobabkii xalay, wuxuuna casbi ka muuujiyay in roob kale da’o iyada oo aan wax laga qaban dhibaatada hadda heysata.

” Roob aan caadi ahayn ayaa ka da’ay xaafadda aan deganahay (Buula Madiina) ceelashi iyo musqulihi waa isku darsameen, waxaana ku jirnaa xaalada adag waxaan ka rabnaa maamulka in ay biyaha u furaan meel ay maraan si aan u helno meel aan wax kasoo iibsano iyo meel ay carruurtu noogu hoydaan”. ayuu yiri, Aadan Macallin

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay waraabahinta gudaha ayaa sheegay in roobku socday xalay oo idli, welin aysan jirin wax gurmad ah oo uga yimid dhanka dowladda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here