Sunday, September 8, 2024

RSF oo walaac ka muujisay xarigga Cali-nuur Salaad

Muqdisho (Dawan)- Ururka Wariyayaasha aan Xuduudka lahayn ee RSF ayaa walaac ka muujiyay xarigga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad oo loo xiray galabnimadii Isniinta kuna beegneed 22 bishan July 2024.

” RSF waxa ay ka walaacsan tahay tillaabada uu Boliisku ku xiray Agaasimaha TV-ga Dawan Cali-nuur Salaad , 22/07 iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin” ayaa lagu yiri, war-saxafadeed kasoo baxay ururka.

RSF ayaa intaas ku daraty; ” Mas’uuliyiintu waa in ay is sharaxaan sabbata loo xiray ama ay sii daayaan saxafiga”.

Ururada saxaafadda, kuwa bulshada rayidka, siyaasiyiin iyo wax garad kale ayaa ka dhiidhiyay xarigga Agaasimaha Dawan Media Group Cali-Nuur Salaad, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here