Saturday, November 23, 2024

Ruto iyo Madaxa CIA-da oo kawada hadlay iskaashiga Amniga Gobolka

Nairobi (Dawan)- Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns oo booqasho ku jooga Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweyne William Ruto iyo dhiggiisa Kenya Nuuradiin Maxamed Xaaji.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray ka hortagga falalka kooxaha argagixisada, , la dagaallanka dambiyada abaabulan iyo arrimaha kale ee saamaynta ku yeelan kara xasiloonida iyo nabadda Geeska Afrika.

Madaxweyne Ruto ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhaxeeya Kenya iyo Mareykanka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo sidii kor loogu qaadi lahaa nabadda iyo ammaanka caalamka.

“Nabadda iyo amniga gobolkeena waxaa si weyn u xoojiyay iskaashiga dhow ee naga dhexeeya annaga iyo saaxiibadayada adduunka oo dhan. Wadashaqeyntan waxay naga caawisay inaan ka hortagno khataraha argagixisada, xagjirnimada, iyo dambiyada abaabulan,” ayuu yiri Ruto.

Ruto Waxa uu xaqiijiyey sida ay Kenya uga go’an tahay in ay ka feejignaato kooxaha nabad diidka ah, isaga oo ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu ilaalinayo guulaha laga gaaray dhinacyada xasilloonida, dimuqraadiyadda, iyo kobaca dhaqaalaha.

Mareykanka ayaa saldhig milateri ku leh dalka Kenya, waxa uuna dhawaan kor u qaaday heerka xiriirka kala dhexeeya dowladda ugu dimuquraadiyadeysan gobolka. Booqashada Agaasimaha CIA ee Kenya ayaa muujineysa xiriirka dhanka amni ee ka dhaxeeya labada dal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here