Sunday, September 8, 2024

Ruto iyo Madaxda Waqooyi Bari oo kawada hadlay Mashaariicda gobolka

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi kulan kula yeeshay hoggaamiyaasha siyaasadeed ee gobolka Waqooyi Bari, isaga oo ka codsaday in ay dowladda Dhexe garab ku siiyaan fulinta mashaariicda horumarineed ee ay u baahanyihiin muwaadiniinta ku nool deegaanada Waqooyi Bari.

William Ruto ayaa sheegay in la qorsheeyay in wax laga qabto baahiyo dhanka kaabayaasha waddooyinka ah ,biyaha , shaqo la’aanta , waxbarashada, amniga iyo caafimaadka.

Wasiirka Difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in dhawaan lasoo gaarsiin doono deegaanada Waqooyi Bari, adeegyada bulshada loo qorsheeyay, isaga oo xusay in bisha December ee sannadkan la daahfuri doono ballaarinta waddada isku xirta Isiolo – Modogashe- Habaswein – Wajeer ilaa Mandera.

Ducaale ayaa sidoo kale sheegay in laami la saari doono waddada u dhexeysa Lamu – Garissa iyo Isiolo.

Wasiirka Difaaca ayaa xusay in qorshaha dowladda Dhexe ay ka mid tahay in keydka qaran ee korontada ee National Grid in la gaarsiiyo Ismaamullada Wajeer iyo Mandera, iyada oo maalgelin ballaaran lagu sameyn doonaa wax soo saarka xoolaha iyo arrimaha waxbarashada ee gobolka Waqooyi Bari.

Dhanka Amniga, waxa uu Ducaale carrabka ku adkeeyay in dowladdo qorsho ballaaran ka leedahay xoojinta amniga Waqooyi Bari, si looga hortago khatarrada argagixisada iyo amni darrada.

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Ceeldaas ee Ismaamulka Wajeer, Aadan Keynaan Weheliye ayaa madaxweyne William Ruto ka codsaday in dowladdu xoogga saarto sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadda dhanka korontada ee Wajeer, isaga oo ku taliyay in keydka qaran ee korontada la gaarsiiyo Ismaamulkaas si looga baxo dhibaatada ay qabaan bulshada ku nool xaafadaha Wajeer.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dowladdu ay gacan ka gaysato sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka qaybaha maamulka iyo maktabadda ee jaamacadda Garissa .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here