Monday, December 23, 2024

Ruto oo loo doortay Guddoomiyaha EAC, isagoo beddelay Salva Kiir

Arusha (Dawan)- Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee Ururka Iskaashiga Bariga Afrika (EAC), isagoo beddelay madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir.

Go’aanka hoggaanka cusub ayaa lagu dhawaaqay maanta oo Sabti ah , kadib markii madaxda dawladaha xubnaha ka ah EAC, ay Ruto doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha xiga ee ururka.

Doorasahda Ruto ayaa imaaneysa iyada oo Shirkii 24aad ee Madaxda Dowladaha Ururka EAC uu ka socdo magaalada Arusha ee Tanzania, kaas oo bilaabmay Jimcihii.

Xilkan cusub ayaa Ruto u ogolaan doona inuu saameyn dheeraad ah ku yeesho galaangalka gobolka, iyada oo ay horyaallaan ujeedooyin waawayn oo laga sugaayo inuu ka mira dhaliyo.

Madaxweynaha Ruto oo khudbad jeediyay kadib doorashadiisa ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Salva Kiir, isagoo sheegay in uu si guul leh ugu hogaamiyay EAC muddo hal sano ah. “Hambalyo Mudane Madaxweyne, waxaad naga dhigtay kuwo ku faani kara shaqada aad qabatay,” ayuu yiri Ruto.

“Waxa uu Madaxweyne Kiir hogaamintiisa ku sameeyay horumar weyn oo ku saabsan isku xirka iyo ka mira dhalinta horumar muhiim ah oo ka mid ah hadafyada wadajirka ee aan wadaagno. Dadaalkiisu iyo waxtarkiisu waa kuwo mudan mahadnaq iyo qadarin,” ayuu Ruto ku daray hadalkiisa.

Madaxweynaha Ruto wuxuu sidoo kale sheegay in Kenya ay diyaar u tahay inay gacan ka geysato horumarinta isku xirka gobolka, isagoo ugu baaqay xubnaha EAC inay ka wada shaqeeyaan sidii loo dhisi lahaa isbahaysi siyaasadeed oo ay wadaagaan wadamada Bariga Afrika.

Bulshada Bariga Afrika waa urur Goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin dalalka kala aha Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Kongo iyo Soomaaliya oo noqotay dalkii siddeedaad ee ku biira waxaana xarun u ah magaalada Arusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan. Sidoo kalena badeecadaha ay soos saaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag, ayaa ka mid ah qorshaha ururka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here