Monday, September 16, 2024

Ruto oo saxiixay sharci lagu qaadanayo Macallimiin iyo dhaqaatiir cusub

Nairobi (Dawan)- Waxaa hadda si rasmi ah loo shaqaaleysiinaya 46,000 oo Macalimiin ah iyo 1,210 tababarayaal caafimaad ah ka dib markii madaxweyne William Ruto uu saxiixay miisaaniyad dheeraad ah oo uu Baarlamaanka meel mariyay.

Sharciga waxaa lagu wadaa in ay ka faa’ideystaan ​​153,292 arday oo ku biiri doona jaamacadaha bisha September ka dib markii ay dowladdu u qoondeysay 71 bilyan oo shilin in lagu maalgeliyo waxbarashada sare.

Barayaasha Kenya ayaa dibadbaxyo ka sameeyay inta badan gobollada dalka, iyaga oo dalbaday in lasoo afjaro nidaamka qandaraaska ah ee ay ku shaqeeyaan iyaga oo sidoo kale sheegay inay u baahanyihiin 8.3 bilyan oo shilin si loogu howlgeliyo 26,000 oo Macallimiin ah ay bisha Koowaad ee sanadka 2025.

Guddiga adeegga barayaasha ayaa hadda loo qoondeeyay 18.6 bilyan oo shilin, iyada sidoo kale 31.3 bilyan oo lacagta Kenya ah loo qoondeeyay deeqaha waxbarasho iyo amaahda laga bixiyo ardayda jaamacadaha, waxaana Guddiga sanduuqa jaamacadaha lagu wareejiyay 17 bilyan oo shilin.

Dhanka caafimaadka, 16.2 bilyan oo shilin ayaa loogu talagalay waaxyaha caafimaadka iyo sare u qaadidda barnaamijka caafimaadka guud, waxeyna dowlddu howlgelin doontaa ilaa 1,210 qof oo ah howlwadeen caafimaad.

Miisaaniyadda dheeraadka ah ee uu Baarlamaanka ansixiyay 31-dii bishii hore sidoo kalena uu qalinka ku duuqay Madaxweyne William Ruto, waxaa qayb ka ah 20 bilyan oo lagu taageerayo beeralayda si loo kobciyo wax soo saarkooda.

Mushaarka saraakiisha laamaha amaanka waxaa lagu kordhiyay 3.5 bilyan oo lacagta Kenya ah.

Yareynta qarashaadka laamaha dowladda

Sharcigan cusub ee miisaaniyadda dheeraadka ah, waxa uu faraya in la yareeyo qarashaadka ku baxa laamaha dowladda sida baarlamaanka , golaha fulinta iyo garsoorka, waxa uuna sidoo kale dhaqaalaha horumarineed ka dhimaya guddiyada dastuuriga iyo xafiisyada madaxa bannaan.

Dhimista qarashaadaka lagu sameeyay dhamaan xafiisyadaas ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 145.7 bilyan oo shilin.

Tusaale ahaan; miisaaniyadda xafiisyada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa laga jaray qaraashaad gaaraya 6 bilyan oo lacagta Kenya ah. Miisaaniyadda golaha fulinta ayaa dhimay 139.81 bilyan, baarlamaanka ayaa laga gooyay lacag dhan 3.7 bilyan halka waaxda cadaaladda laga dhimay dhaqaalaheeda 2.1 bilyan oo shilin.

Qancinta dadwaynaha

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii uu u qancin lahaa dadweynaha ka careysan qosrahihii ay la timid xukuumaddii la riday ee kordhinta canshuuraadka, inkasta oo laga laabtay qorshahaas kadib markii ay dalka ka dhaceen rabashado dhiig ku daatay.

Ruto oo mar kale soo dhisay xukuumad sugeysa meel-marinta Baarlamaanka ayaa la doortay August 2022, kadib markii uu ballanqaaday inuu difaaci doono muwaadiniinta nolosha hoose, wuxuuna tan iyo xilligaas qaaday dhowr tillaabo oo lagu kordhiyay casnhuurta taas oo wiiqday awoodda wax iibsiga ee dadka Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here