Sunday, September 8, 2024

Ruto oo soo magacaay qaybtii labaad ee Golihiisa Wasiirada

Nairobi (Dawan)- Madaxweynaha dalka Kneya, William Ruto ayaa soo magacaabay xubinihii ka dhinnaa Golihiisa Wasiirada, iyada oo ay kasoo muuqdeen siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka gaar ahaan xisbiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ee ODM.

Ruto oo hore usoo magacaabay toban Wasiir ayaa maanta soo dhamaystiray Golihiisa Wasiirada, waxayna kala yihiin sida soo socota;

Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka; John Mbadi.

Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada; Kipchumba Murkomen

Wasaaradda Iskaashatooyinka iyo Ganacsiyada yaryar; Wycliffe Oparanya

Wasaaradda Jinsiyadda, Hiddaha iyo Dhaqanka; Stellah Langa’t

Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta; Rebecca Miano.

Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka; Opiyo Wandayi.

Wasaaradda Adeegga Dadweynaha; Justin Muturi

Wasaaradda Ganacsiga, Maalgashiga iyo Warshadaha; Salim Mvurya-

Wasaaradda Shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada; Dr.Alfred Mutua

Wasaaradda Macdanta; Xassan Cali Joho.

William Ruto ayaa toddobaadkii hore magacaabay qaybtii koowaad ee xukuumaddisa oo ka koobneed toban wasiir sida Aadan Barre Ducaale oo dib loogu celiyay Wasaaradda Gaashaandhigga basle shalay ayaa hadana loo wareejiyay Wasaaradda Deegaanka, waxaana beddeshay Soipan Tuya.

Madaxweynaha Kenya ayaa ballan qaaday inuu dib kasoo magacaabi doono xeer ilaaliyaha qaranka oo laga qaaday Justin Muturi.

Inkasta oo Xukuumaddu ka laabatay qorshihii canshuur kordhinta, hadana weli waxaa ka socda Kenya banaan baxyo lagu dalbanyo inaan dib loo soo celin xubno ka tirsanaa xukuumaddii hore iyo in maxkamad lasoo taago saraakiishii ku lugta lahayd dilka mudaaharadayaasha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here