Muqdisho (Dawan)- Saxafi Mareykan ah oo lagu magacaabo Evan Gershkovitch iyo Paul Whelan oo horay uga tirsanaan jiray ciidamada lugta ee ciidamada badda Mareykanka ayaa ka mid ahaa 26 maxbuus oo ay is dhaafsadeen Ruushka, Mareykanka iyo wadamo kale oo reer galbeed ah.
Koox ka tirsan mucaaradka Ruushka ayaa sidoo kale la sii daayay, halka Moscow ay iyaduna sii deysay dhowr qof oo lagu eedeeyay basaasnimo ama dambiyada internetka.