Thursday, September 19, 2024

Rwanda Air oo bilaawday duulimaadyadeeda xamuul ee Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Diyaaradda Rwanda Air ayaa si toos ah u bilaawday dulimaadyadeeda xamuulka ah ee ay ku tagayso Jabuuti, iyada oo mas’uuliyiinta Jabuuti ay ku tilmaameen tillaabo loo qaaday horumarinta iskaashiga labada dhinac.

Maamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti ayaa soo dhawayn u sameeyay duulimaadkii ugu horeeyay ee ay Rwanda Air oo shalay ka degtay garoonka diyaaradaha ee Djibouti-Ambouli.

Diyaaradda Rwanda Air ayaa ka qayb qaadan doonta isku xirka ganacsiga gobolka iyo fududeynta shixnadaha kala duwan ee dhanka hawada ah kaas oo ka dhaqsa badan gadiidka badda.

“Iskaashigani ma aha oo kaliya dib u xaqiijinta taariikhdeena walaaltinimo ee xooggan laakiin sidoo kale waxa ay waddada u xaaraysaa iskaashiga dhaqaale iyo saadka oo la wanaajiyo.” ayuu yiri, Guddoomiyaha Maamulka Marsooyinka iyo Goobaha ka caagan canshuurha ee Jabuuti, Abuubakar Cumar Haadi.

Guddomiyaha ayaa intaas ku daray in Rwanda Air ay si weyn u xoojisay shabakada xamuulka hawada, taas oo keeni doonta kobac dhaqaale oo ay kawada faa’iideysan doonaan gobolka iyo qaaradda Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here